Author Topic: Su'aal: Waa maxay shiirku ama shurufku?  (Read 45032 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kaafiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Waa maxay shiirku ama shurufku?
« on: March 30, 2013, 11:20:57 PM »
Asc wr wr Allah AYAA mahad usugnaatay dhamanteed sidoo kale dhaman dhaqaatiirtana waa mahadsantihiin  walaal waxaan rabaa inaan waxkabilaaba ogaado waxa uu yahay shiirku AMA shuruf qofma say utaqaano       Thnkz




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay shiirku ama shurufku?
« Reply #1 on: April 23, 2013, 03:17:43 PM »


Shiirka ama Shurufka way ku kala duwan yihiin dadka, sida caadiga ah dhididku ma lahan wax ur ah laakiin wuxuu ka dhalan karaa bakteeriyo maqaarka laga helo oo dhididka u badasho aashito, sidaas ayuuna dhididka ur u yeeshaa.

Qanjirrada dhididka soo daayo waxaa loo kala qeybiyaa laba nuuc:
  • Nuuc loo yaqaano "Eccrine glands": kuwaan jirka oo idil ayay ku yaallaan, waxayna hooshoodu tahay inay kontaroolaan heerkulka qofka, haddii aad kululaatid waxay soo daayaan dhidid si jirka loo qaboojiyo, dhididkaan ma alahan wax ur ah.
  • Nuuc loo yaqaano "Apocrine glands: qanjiradaan waxaa laga helaa meelaha tintu ku taalo ee jirka sida kilkilaha iyo agagaarka cawrada, qanjirradaan waxay shaqo bilaabaan xilliga qaangaarka, waxayna soo daayaan dheecaano loo yaqaano "pheromones".

Waxyaabaha dhididka u yeeli karo urka markii laga reebo bakteeriyada kor aan ku soo xusay waxaa ka mid ah cunnooyinka qaar sida Toonta, Basasha, Basbaaska, Cabitaanka aashitada leh, Kafeegka iyo daawooyinka qaar sida kuwa loo qaato niyadjabka.

Dadka ugu badan ee shiirkoodu xad dhaafka yahay waa kuwa qanjirada "Apcrine glands"-koodu aad u shaqeeyaan ama jirkoodu uu leeyahay bakteeriyada dhididka uriso.

Yuu ku badan shiirka?
Badanaa shiirka am shurufka wuxuu ku badan ragga, maadaam ay badanaa ka dhidid badan yihiin dumarka, wuxuuna ku sii badan yahay dadka cayilan ama qabo cudurka macaanka.

Sidee lagu yarayn karaa shiirka?
  • Joogto u qubeyso maalin kasta.
  • Isticmaal dhidid yareeyaha "Deodorant"
  • Ku dadaal in aad xiirto tinta kilkisha iyo shuunka mar walba.
  • Ka fogow cunista cunnooyinka kor ku xusan.
  • Hadduu shiirku xad dhaaf yahay, waxaa la duri karaa qanjirrada dhididka ee kilkilaha si loo hawlgabiyo.

Akhriso qoraal aan uga hadlay Dhididka Xad dhaafka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2320.0
Akhriso qoraal aan uga hadlay Shakkiga iyo urka jidhka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6517.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 76599
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 79892
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 73367
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57498
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55471
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc