Hyper" macnaheedu waa kacsanaan, Lipd" macnihiisu waa dufan, emia" waa dhiigga.
Marka macnihiisu waxay isku noqonaysaa, dufanka oo dhiiga ku badan.
Dufanka way noocyo kala duwanaan karaan, way kala cabir duwanaan karaan.
VLDL iyo LDL waa dufanka xun hadii ay kacsan yihiin.
HDL waa dufanka wanaagsan haduu kacsan yahay.
Intaas oo dhan ayaa cholesterol la isku dhahaa.
Marka hadii la dhaho qofkaan wuxuu qabaa hyperlipedemia waxaa kacsan kolostaroolka, oo macnihiisu tahay waxaa kacsan VLDL ama LDL.