Biyaha borotiinka leh ee caloosha galo ama sida afka qalaad lagu yiraahdo "Exudative Ascites" waxaa keeni karo dhowr cudur oo ay ka mid tahay Xanuunada infkashanka sida bakteeriyada ku dhacdo xuubka ubucda saaran, Tiibishada, Kansarka, Infakshan ku dhaca Ganaca (Pancreatitis) iyo xanuunka hoos u dhaca hormoonka throodhka (hypothyroidism).
Inta aan qofka la qalin waa in marka hore la ogaadaa waxa u keenay biyahaan borotiinka leh ee caloosha galay, fadlan takhtir aqoon u leh xanuunadaan la xiriir si laguugu sheego waxa ku hayo ama lagaaga daaweeyo.