Author Topic: Su'aal: Kaadida ma hayn karo muddo badan?  (Read 4626 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Musta

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaadida ma hayn karo muddo badan?
« on: March 12, 2015, 03:10:30 AM »
Asc Dr waxaa ka cabanayaa arin ku saabsan kaadida , mudo dheer waxaan isku arkey in kaadidu i dhibto oo marka kaadi i qabato  aan hore musqul ugu baahnaanayo hadii kale igaba soo daadaneyso  arintaa waxaa iga yaabisey oo kale hadii iyadoo kaadi badani iba hayn aan iska xasuusto in kaadi i hayso markaa aan xasuusta ka dib maba hayn karaba oo waa inaan la cararaa , sido kale hadii kaadida oo si xun ii haysa wax kadis ahi attension keyga bedelo  kaadi dhan ba ima hayso waa ilaabayaa waanan sii hayn karaa  arintan wax ugu yeedho waan garan wayey dhawr jeer baan dhakhtar u sheegey  macaan bey iga baadheen waa iga waayeen mid kale waxbaan beerayaa ayuu igu yidhi isna negetive bal markaa wax ha la iigu sheego arinkaa,

Mida kale waxaa haystaaa cilad kale oo ah marka  aan habeenkii hurdo hadii aan  riyoodo  oo biyo iga yimaadaan  mar labaad hadii kacsi dareemo  guska waa i xanuunayaa oo waa inaan dejiyaa hadii kale waa xanuun taagnidiisu  marka labadaa su.aalood iiga jawaaba




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kaadida ma hayn karo muddo badan?
« Reply #1 on: March 14, 2015, 01:43:05 PM »
Kaadida aan al xajin karin markii aad niyaysato ama ay ku qabato waxay astaamo u tahay dhowr cudur oo uu ka mid yahay, xanuunada ku dhaca qanjirka borostaatada "Prostate Gland" iyo caabuqa kaadi mareenka.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
Halkaan ka akhriso dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html

Mar labaad kacsiga iyo kaadi xanuunka markii aad biyo-baxdo ka dib waa arrin dabiici, waxa keeno iyo qaabka loo xalliyo waxaad ka akhrisan kartaa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3483.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16538
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21765
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16026
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 79351
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48873
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc