Author Topic: Su'aal: Wax Ilaabid ama Xasuus la'aan ?  (Read 4941 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sowda

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wax Ilaabid ama Xasuus la'aan ?
« on: March 31, 2015, 04:05:48 PM »
Asc dhaman bahda Somali doctor  waxa  qabaa cudur wax ilaabid ladhaho sida inan waxba xifdin karin inan ilabayo sida casharada schoolka Hada hadaN book aqriyo hadaN daboolo Waxba kama xasusan karo  wixi aan meldhogo xita same times ma xasusan karo marka plz  Maxa keno wax qabad la'aan ta maskaxta ? Maxa sababa ? Maxse lagu daween kara plz thanks ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax Ilaabid ama Xasuus la'aan ?
« Reply #1 on: April 02, 2015, 03:49:49 PM »
Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid yahay.
Hilmaanka waxuu noqon karaa wax iska caadi ah oo muddo gaaban heyn karo qofka iyadoo ka imaan karo xaaladda uu ku suganyahay markaa sida "Diiqada / Niyad Jabka ama Fakarka" oo kale.

Hilmaanka & Ilowgu wuxuu noqdaa cudur markii qofku uu la kulmo dhibaatoo caafimaadeed sida cudurrada "Parkinson's iyo Alzheimer's".
Ilowshaha wuxuu ku bilaaban karaa qofka dhibaato jug ah oo qofka dhinaca maskaxda ka soo gaarto ama dhibaato xag nafsaani ah.

Hilmaanka waxaa kaloo keeni karo hadduu qofka balwad leeyahay caafimaadka u daran, sida qaad cunista, sigaar cabista, siigeysiga ama daawasahda filimaanta xunxun, waxayna arintaan ku badan tahay dadka dhalinyarada ah.

Marka si loo ogaado dhibaatada heyso qofka nooceeda iyo heerka ay gaarsiisantahay waxaa loo baahanyahay wareysi iyo baaritaan dheeraad ah.

Haddii aad aaminsan tahay in hilmaanka uusan cudur kuu keenin, waxaad badisaa akhrinta quraanka iyo dikriga waxay daawo u tahay cudurro badan oo hilmaan keeno oo caafimaadka daawo u haynin.

Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan hilmaanka iyo ilowshaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa keena xasuus la aanta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11800
Last post December 08, 2009, 11:38:25 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xasuus badan ayaa igu soo noqnoqoto?

Started by Zakariye ahmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3231
Last post December 19, 2017, 10:54:06 PM
by AbuMuhammad
Suáal: Xasuus la,aan

Started by Fuaad MuseBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8194
Last post January 16, 2010, 08:23:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xasuus la'aanta?

Started by RuuneeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5056
Last post February 05, 2019, 08:06:01 PM
by SomaliDoc