Author Topic: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?  (Read 15534 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Shucayb

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Asc dr.

Walal   waxa jira  wiil  an walaalo nahay  da'diisu waa  20 jir  waxa uu leeyahay xanuunka sariirta qoynta  habaynki markuu seexdo 
Waad dareemi karta  murugada iyo  baqdinta ay ku hayso   xanuunkani   qof da'daas ah
waxaan  ka baqynaa  inay saamayso  nolol maalmeedkiisa    becouse of   wal-wal fara badan
maalinki oo dhan cudurkan iskuma  arkayo haduu  hurdo lkn habeenki  bes waaye    dr. khayr  alle haku siiyee     cilmi ahaan  iyo  talo  haan   labadaba kad awoodid  naga sii  cudurkan
Sababaha keeena?
Maxaan  smaaynaa  si an u joojino ?
Iyo cudurkani inuu daawaysmi karo iyo in kale ?

Koley  in badan  ban cudurkan  baadhay  waxaan ala ii sheegay  dhowr sababood  oo  lagu joojin karo   lkn waxan raba inaan  ilaa dhowr  dr. jawaabahooda isku qiyaaso   Asc

Iam waiting  for your answer  !!!!

THANKS !!!!!!!!!!!!!




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #1 on: April 02, 2015, 04:09:21 PM »
Fadlan su'aashaada mid la mid ah oo aan horay uga jawaabnay, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5552.0.html

Wixii faahfaahin dheeraad ah waad na sii weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Shucayb

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #2 on: April 03, 2015, 10:56:37 PM »
Dr.su aasha  nooceeda ah wan arkay lkn  taydu waa mid ka duwan  taas

Wiilkan  wuxuu bilabay  hawshan marki ay da'diisu ahayd 10 sano iyo ilaa hada 
Hawshan  adis ababa waan u gaynay  darteed  dhakhtarki markaas aan u tagnayna  wuxuu nagu yidhi  marku qaangaadho  cadi buu iska noqon doona  wuxuu no soo qoray  kiniin    waxna haka wal-walina bu nagu yidhi
Dhakhtar  kalena  sidaaso kale buu nagu yidhi  oo wuxu yihdi marku qaangaadho  buu caadi iska noqnayaa 
Walina wax is badal ah  mahayno ?
Taladadu waa ii muhim

THANKS!!!!!!

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #3 on: April 07, 2015, 12:52:10 PM »
Isku kaadinta billaabato waqti dambo sida aad tilmaantay in wiilka uu fiicnaan jiray illaa uu ka soo gaarayay 10 sano, kadib ayuu dib u soo billaabay waana xilliga uu hurdo kaliya markuu soo jeedo wuu xajin karaa intuu doono.

Haddii ay saas tahay, waxaa habboon in aad noo sheegtid, haddii ay jiraan wax dhib ah uu la kulmay oo dhaawac nafsiyadeed gaarsiin kara wiilka markuu billaabayay isku kaadinta, maxaa yeelay cilladaha keeno waxaa ka mid ah jug ama dhibaato nafsiyadeed oo lama filaan ku noqoto caruurta way keentaa in ay khalkhal galiso neerfahooda sidaasne ay ku xajin waayaan kaadida.
Waxyaabahaas waxaa ka mid noqon karo, haddii ay dhib ka soo gaartay qof uu jeclaa ama ku kalsoonaan jiray ama qoyska uu burburo ama dhibaato kale oo xagga iskuulka ama dhalinyaro kale ka soo gaartay.

Uma malaynayo in ay tahay cillad jirka la xiriirto sida kilyaha iyo kaadi mareenka, maxaa yeelay haddii saas ahaan lahayd kaadi baxsadka waqti ma lahaan lahayn oo maalin iyo habeen isku mid ayay noqon laheyd.

Dhowr siyaabood ayuu xalku noqon karaa iyadoo ku xiran waxa keenay in kaadi baxsad da'daan ku timaado, fadlan dhakhtar psychologist ah oo wiilka wareesto dareenkiisa iyo waxa uu dhibsanayo iyo qaababka ugu habboon uu kaadida ku kontarooli karo kaala hadlo raadi.

Badanaa caruurta xilliga qaangaarka lala sugo waa kuwa yaraantooda billaabay...

Meeqa sano ayuu jiraa hadda wiilka? Ma jirtaa wax tallaabooyin aad qaaday si aad ku joojisid sida in biyaha laga ilaaliyo markuu seexanayo, dhowr jeer la toosiyo si loo kaadsiiyo iyo waxyaabo kalaba?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Shucayb

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #4 on: April 10, 2015, 09:44:33 PM »
Dr,wiilku  wax jug ama dhibtao kale ah oo soo gadhay  ma jirto   
Kaadidan  wa marka uu hurdo  oo kaliya  waliba habeenkii maalintii  siduu hawshan  u bilaabay  ilaa toban sano  ssadex  ama afar  jeer  kaliya  ban ku argnay

Da'diisu na waa 20 sano hada ?    wan sameeyay isku dy badan   dr  oo aan ku contorolayo   sida inaan  habeenkii  kiciyo  dhow mar   biyahana  ka ilaaliyo  waxna wan kaga gartay  oo  wuu joojiyay  mar mar  iyo dhif mooyeee
Lkn  ta aan ka wal-walayo  waxaa  weeye  wiilka waxa la gaadhay  xiligii u asaagii  la jaanqaadi lahaa  xiligii uu  yeelan lahaa  rer u gaar h 
Marka  waxan dareemaya  inay isaga taasi ku hayso  wal-wal xoogan  ??       

Majiraa  qalab  la isticmalo si loo joojiyo  hawshan   sida  saacad oo kale ??  maql an maalin akhrinayay oo Ingiriiskalaga leeyahay baan  ku arkyy 
Wx jir dwo la isticmaalo si kaadida  looga  dhigo mid qalalan   run miyaa  ?

THNKS...  FOR YOUR  HELP FULL
am  proud  that  you are  here  to  help  somali society
THANKS AGAIN.........

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #5 on: April 11, 2015, 02:04:44 PM »
Aad ayay u yartahay sariir qoynta da'da aad tilmaantay, waana dareemi karaa culeyska ay ku hayso qofka ka cabanayo.
Waxaan eebbe ugu rajaynayaa inuu ka joojiyo oo u soo celiyo kontoroolkiisa.

Midda xigta, ma jirto daawo kaadida qallajinayso ee waxaa jiro daawo kaadida dib dhigayso in la soo daayo iyadoo yaraynayso giijis-ka murqaha kaadi haysta, inkastoo daawooyinkaas ay leeyihiin waxyeello badan, takhaatiirtane kuma taliyaan in la joogteeyo.

Midda kale ee xigta waa kastuumo ama nigis ka samaysan cudbi oo ku rakiban qalab alarm leh oo qofka markuu kaadi billaabi rabo ayaa alarm-ka wuu shidmaa, qofkane wuu ka soo kacaa inta uusan isku kaadin, tani waxay takhaatiirtu sheegaan in qofka uu ku baranayo habeen soo kicista, iyo in markii kaadida qabato uu hurdada ka soo boodo isagoo la qabsaday qalabkii uu isticmaali jiray.

Waxaa kaloo jiro jimicsi lagu xoojinayo murqaha miskaha iyo kaadi haysta, si aysan si sahlan kaadida qofka iskugu shubin hadduu jiifo iyo hadduu soo jeedama.

Laakiin waxaa intaa ka horreeyo oo dhan in baaritaanno oo uu ku jiro qalabyada lagu baaro kaadi mareenka ama dareemada kaadida kontoroolo in la marsiiyo si loo ogaado haddii ay jirto cillada haba yaraatee ka qeyb qaadan karto dhibaatadaan.

Qofka sidaan oo kale dhowr takhaatiir inuu la xiriiro ayaa muhiim ah iyadoo meelo kala duwan ka eegayay bukaanka, takhtarka xagga neefaha "Neurologist", Takhtar ku taqassusay kaadi mareenka "Urologist", Takhtar ku taqasusay cilmo-nafsiga "Psychologist" iyo haddii iyagaba ay kugu la taliyaan takhaatiir kalaba.

Laakiin waxaan kugu boorin lahaa in aad dadaalka aad wadid ee soo kicinta joogtada ah, cabitaanka biyaha oo la yareeyo habeenkii, iyo isagoo kaadiya xilliga ugu dambeeyo oo uu jiifanayo aad sii wadid, waa arrin ka qeyb qaadan doonto xalka cilladaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Shucayb

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
« Reply #6 on: April 14, 2015, 10:43:08 PM »
Waad mahadsantahay dre  aad baad u mahadsantahay  insha allah wixi karankayga ah waan u samaynaya dr. sadexdaas dhakhtar ee aad igula talisayna  sadexdaba waan marinaya mid walba gaarkiisa insha allah   
Talooyinkaagu  muhim bay ii yihin markasta    waad mahadsantihin
runtii waxad haysaan shaqo aad u muhiim ah waxaanan idinkula talin laha si xoojinta hawshani 

Mar labad iyo mar sadexaadba  waad mahadsantihiin  dr.
Asc wr wb  garabkina alle hagalo

THANKS!!!!!!!!