Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Sidee loo dawayn karaa sariir qoynta dhalinyarada waawayn?
Shucayb:
Asc dr.
Walal waxa jira wiil an walaalo nahay da'diisu waa 20 jir waxa uu leeyahay xanuunka sariirta qoynta habaynki markuu seexdo
Waad dareemi karta murugada iyo baqdinta ay ku hayso xanuunkani qof da'daas ah
waxaan ka baqynaa inay saamayso nolol maalmeedkiisa becouse of wal-wal fara badan
maalinki oo dhan cudurkan iskuma arkayo haduu hurdo lkn habeenki bes waaye dr. khayr alle haku siiyee cilmi ahaan iyo talo haan labadaba kad awoodid naga sii cudurkan
Sababaha keeena?
Maxaan smaaynaa si an u joojino ?
Iyo cudurkani inuu daawaysmi karo iyo in kale ?
Koley in badan ban cudurkan baadhay waxaan ala ii sheegay dhowr sababood oo lagu joojin karo lkn waxan raba inaan ilaa dhowr dr. jawaabahooda isku qiyaaso Asc
Iam waiting for your answer !!!!
THANKS !!!!!!!!!!!!!
SomaliDoc:
Fadlan su'aashaada mid la mid ah oo aan horay uga jawaabnay, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5552.0.html
Wixii faahfaahin dheeraad ah waad na sii weydiin kartaa.
Shucayb:
Dr.su aasha nooceeda ah wan arkay lkn taydu waa mid ka duwan taas
Wiilkan wuxuu bilabay hawshan marki ay da'diisu ahayd 10 sano iyo ilaa hada
Hawshan adis ababa waan u gaynay darteed dhakhtarki markaas aan u tagnayna wuxuu nagu yidhi marku qaangaadho cadi buu iska noqon doona wuxuu no soo qoray kiniin waxna haka wal-walina bu nagu yidhi
Dhakhtar kalena sidaaso kale buu nagu yidhi oo wuxu yihdi marku qaangaadho buu caadi iska noqnayaa
Walina wax is badal ah mahayno ?
Taladadu waa ii muhim
THANKS!!!!!!
SomaliDoc:
Isku kaadinta billaabato waqti dambo sida aad tilmaantay in wiilka uu fiicnaan jiray illaa uu ka soo gaarayay 10 sano, kadib ayuu dib u soo billaabay waana xilliga uu hurdo kaliya markuu soo jeedo wuu xajin karaa intuu doono.
Haddii ay saas tahay, waxaa habboon in aad noo sheegtid, haddii ay jiraan wax dhib ah uu la kulmay oo dhaawac nafsiyadeed gaarsiin kara wiilka markuu billaabayay isku kaadinta, maxaa yeelay cilladaha keeno waxaa ka mid ah jug ama dhibaato nafsiyadeed oo lama filaan ku noqoto caruurta way keentaa in ay khalkhal galiso neerfahooda sidaasne ay ku xajin waayaan kaadida.
Waxyaabahaas waxaa ka mid noqon karo, haddii ay dhib ka soo gaartay qof uu jeclaa ama ku kalsoonaan jiray ama qoyska uu burburo ama dhibaato kale oo xagga iskuulka ama dhalinyaro kale ka soo gaartay.
Uma malaynayo in ay tahay cillad jirka la xiriirto sida kilyaha iyo kaadi mareenka, maxaa yeelay haddii saas ahaan lahayd kaadi baxsadka waqti ma lahaan lahayn oo maalin iyo habeen isku mid ayay noqon laheyd.
Dhowr siyaabood ayuu xalku noqon karaa iyadoo ku xiran waxa keenay in kaadi baxsad da'daan ku timaado, fadlan dhakhtar psychologist ah oo wiilka wareesto dareenkiisa iyo waxa uu dhibsanayo iyo qaababka ugu habboon uu kaadida ku kontarooli karo kaala hadlo raadi.
Badanaa caruurta xilliga qaangaarka lala sugo waa kuwa yaraantooda billaabay...
Meeqa sano ayuu jiraa hadda wiilka? Ma jirtaa wax tallaabooyin aad qaaday si aad ku joojisid sida in biyaha laga ilaaliyo markuu seexanayo, dhowr jeer la toosiyo si loo kaadsiiyo iyo waxyaabo kalaba?
Shucayb:
Dr,wiilku wax jug ama dhibtao kale ah oo soo gadhay ma jirto
Kaadidan wa marka uu hurdo oo kaliya waliba habeenkii maalintii siduu hawshan u bilaabay ilaa toban sano ssadex ama afar jeer kaliya ban ku argnay
Da'diisu na waa 20 sano hada ? wan sameeyay isku dy badan dr oo aan ku contorolayo sida inaan habeenkii kiciyo dhow mar biyahana ka ilaaliyo waxna wan kaga gartay oo wuu joojiyay mar mar iyo dhif mooyeee
Lkn ta aan ka wal-walayo waxaa weeye wiilka waxa la gaadhay xiligii u asaagii la jaanqaadi lahaa xiligii uu yeelan lahaa rer u gaar h
Marka waxan dareemaya inay isaga taasi ku hayso wal-wal xoogan ??
Majiraa qalab la isticmalo si loo joojiyo hawshan sida saacad oo kale ?? maql an maalin akhrinayay oo Ingiriiskalaga leeyahay baan ku arkyy
Wx jir dwo la isticmaalo si kaadida looga dhigo mid qalalan run miyaa ?
THNKS... FOR YOUR HELP FULL
am proud that you are here to help somali society
THANKS AGAIN.........
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version