Author Topic: Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?  (Read 161879 times)

0 Members and 9 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?
« on: April 17, 2015, 01:55:35 PM »


Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho aad ugu badan soomaalida khaas ahaan dumarka.
Haween badan ayaa lugaha ku qaboojisto in ay baaf lugaha la galaan, darbiyada ama mutuleelka cagaha saarsaaro ama cillaan ku qaboojiyo.
Sidaa awgeed waa su'aal weydiin mudanee, talow maxaa keenay cagaha hurka noocaas ah?

Caga hurka wuxuu calaamad u noqdaa cudurro aad u badan, laakiin asbaabta soomaalida ugu badan ee u keeno way kaga duwan yihiin umadaha kale.

Caalamka kale waxa ugu badan oo keena waa cillad ka timaada xagga neerfaha dareenka siiya cagaha iyo lugaha, haddii cillad dhabarka qofka ka gaarto oo dhaawacda neerfaha ama qofka jug ka gaarto ama cadaadis neerfaha lugaha saarmo sida in qofka uu xirto kabo ku dhaggan waxay keenaan kuleel iyo balbal markii qofka socod dheer galo ama markuu kabaha iska siibo.

Midda xigta waa haddii cillad ay ka jirto xididada dhiigga siiya lugaha haddii qulqulkooda uu hooseeyo ama ciriiri ay noqdaan taasoo ka timaada dhibaato xannibaysa isku socodka dhiigga sida dufan ama xinjir fadhiisato ama xididka oo jirrado laftirkiisaba.

Midda sadaxaad waa haddii cagaha ay ku bararaan taasoo keenaysa in ay ku huraan, waxayna u badan tahay cilladaan dadka qaba dhiig-karka, howlgabka wadnaha ama kilyaha, midaan daawadeeda waa in bararka lugaha laga dajiyo si kuleelka kuu daayo.

Midda afaraad waa haddii qofka uu qabo cudur dhaawici kara neerfaha lugaha sida sonkorowga oo kale, tanna daawadiisa waa in sonkortaada ay kontroolan tahay oo daawada aad qaadatid ay kugu filan tahay, takhtarka wuxuu kuugu dari doonaa daawo neerfaha sonkorwga dhaawac gaarsiiyay loogu talagalay, caga hurka sonkorowga waxaa la socdo calaamado dheeraad ah sida kabaabyo lugaha, xadxato, in lugaha wax kaaga socdaan oo kale.

Midda ugu dambayso waa cabidda khamriga oo ka mid ah, asbaabaha ugu badan ee dhaawac gaarsiiya neerfaha addimaha khaas ahaan lugaha, tanoo ay ka cabtaan dad badan oo caba khamriga.

Soomaalida maxaa u keeno caga hurka?
Haddii aan soomaalida u soo laabto waxa ugu badan oo u keeno xanuunkaan waa 4 waxyaabood:
1- Fitamiin yarida khaas ahaan Vitamin B-ga noocyadiisa kala duwan ee kala ah Vitamin B1, B2, B3, B5, B6, B7, B9, B12 waxayna kulligood ka qeyb qaataan ilaalinta iyo kobcidda neerfaha waxaana badanaa laga dareemaa dhibaatadooda cagaha.
Soomaalida laguma tiriyo umadaha cunnada dheellitiran cuna, cunnadeena waxay u badan tahay carbohydrates-ka (bariis, baasto iyo canjeero) iyo protein-nada (hilibka, ukunta iyo kalluunka).
Way nagu yartahay cunidda waxyaabaha laga helo fitamiinnada iyo macaadinta kale oo jirka muhiimka u ah (sida khudaarta iyo fruits-ka).
Fitamiinnada kor ku xusan oo isku samaysan oo loo yaqaanno "Vitamin B Complex" ayaa jiro oo aad qaadan kartaa iyadoo kaniini ah, qaabka aad u qaadan kartidne kala tasho takhtarkaaga.
Haddii aad tahay qof awooda inuu cunnooyinka laga helo fitamiinnadaan heli kara ama daawada aan jeclayn waxaad ka arki kartaa sawirkaan hoose meelaha laga helo.


2- Gaastirikada ama gaaska waa midda labaad ee ugu badan ee caga hurka u keeno soomaalida, inkastoo uusan caga-hur kaliya aanan gaaska lagu aqoonin wuxaa la socdo hur calaacalaha ama sacabada ah iyo calaamado kale oo lagu yaqaano.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan gaaska iyo astaamihiisa iyo sida loo daaweeyo haddii aad aaminsan tahay in gaaska uu kuu keenay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

3- Midda sadaxaad waa xanuunka loo yaqaanno "Hypothyroidism-ka" oo ku badan haweenkeenna, waxaan kula talin lahaa qof walba oo haween ah da'deedane ka sarrayso 30 sano in ay iska baarto, xanuunkaan waxa uu yahay iyo astaamaha lagu gartane halkaan ayaad ka akhrisan kartaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

4- Midda afaraad, waxay la xiriirtaa cayilka, qofka cayilan waxauu si sahlan u dhaawici karaa seedaha cagahiisa taasoo keenayso in dhaawac uu gaaro neerfaha lugaha, khaas ahaan hadduu qofka uu ku labisto kabo taako leh ama ku dhaggan, haddii aad cayilan tahay iska ilaali in aad xiratid kabo ku dhaggan ama qalloocan oo taako leh ama hora u dhuuban oo faraha ciriiri kaa galiya.

Maxaa talo ah?
Talooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.
2- Miisaankaaga yareey haddii aad cayilan tahay
3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan isda Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska daawey.
4- Iska ilaali in aad xirato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaarsiin.
5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, iskaalshada iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkane uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.
6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.
7- Talada ugu dambeyso waa mid u gaar ah haweenka marsado cillaanka daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadaan waxay dhaawac u geysataa neerfaha mana u roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.

Haddii aad jeceshahay in aad su'aal naga waydiisid qoraalkaan ama fikrad ku darsatid ku soo biir boggaan kuna soo qor halkaan.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Axmed01

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?
« Reply #1 on: April 20, 2015, 10:27:17 PM »
qanjidhka ama xididka kaad mareenku ma keenaa caga olalka   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?
« Reply #2 on: April 25, 2015, 11:47:33 AM »
Axmed, su'aashaada ma caddo, ee maxaa ula jeedaa xididka kaadi mareenka?
Qanjirka haddii aad ka waddid brostaytka oo caabuq galo ama xanuunsado, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3162.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?
« Reply #3 on: August 23, 2015, 12:12:44 PM »
As Sallaamu Calleykum, dhamaantiin?
Dhakhtar, caga hurka xidhiidh ma la lee yahay Uurka?
Haweenka markay uurka lee yihiin, waxay ka sheegtaan caga hur, gacmaha oo gubta, gaar ahaan habeenkii, waxayna aad uga sii daraan bilaha dambe ee uurku sii cuslaado. Haddaba, Dhakhtar, maxay tahay arrintaan?
Mahadsanid.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?
« Reply #4 on: August 23, 2015, 02:14:13 PM »
Cagaha iyo gacmaha oo hura xilliga uurka waaa isbadal dabiici ah oo ku yimaado hooyada uurka leh, maadaama hooyadu marka ay cuslaato uu qulqulka dhiigga ku raago addimaha, waxay keentaa hur iyo olol u badan habeenkii, khaas ahaan haddii maalintaas ay waxbadan socotay ama istaagtay, waxayna sii daran tahay kullamaa ay sii cuslaato khaas ahaan 3-da bil ee gu dambayso.

Haweenka qaar way dareemaan maalmaha uu aadka u daran yahay hurka in cagaha iyo gacmaha barar yar ka muuqdo taasoo tilmaamayso in ka soo laabashada dhiigga qeybahaas hoose uu yaryahay waana cadaadiska saaran iyo dheecaanka jirka ku jiro oo bato, cadaadiska oo siyaado maadaam uurjiifka uu u baahan yahay isabadaladaas eebane ugu tala galay.

Waxaa lagula taliyaa hooyooyinka sidaan ah in ay ka fogaadaan istaagga badan iyo socodka badan, waa in ay nastaan markii xoogaa ay socdaanba, waa in laga ilaaliyaa lugaha iyo gacmaha in ay hooraan ama shubmaan markii la fadhiyo xitaa.

Waa arrin kumeel gaar ah oo ay hooyadu ka gudbi doonto markii ay dhasho, dhib kale ma keento.

Halkaan ka akhriso waxyaabaha la fisho ama sida dabiiciga ah u dhaco xilliga uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55817
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106816
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57787
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62008
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28787
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc