Author Topic: Su'aal: Xameetida ayaa dhagax la iiga sheegay qaliinkna waa ka baqay?  (Read 7354 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Iimaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Asc Dr.aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay dadaalka  iyo howsha umada soomaaaliyeed u haysaan illaahay  ha idinkasiiyo ajar iyo xasanaad isha allaah aamiin aamiin.

hada ka hor ayaan waxaan tegay dhaqtar xameetida dhagax ayaana laa igu sheegay aad iyo ayaana u xanuunsan jiray waxaan isticmaalay dawo soomaali (DIINSI) aad iyo aad ayaan ugu fiicnaaday

maxaad igula talin lahayd

 Asc waa mahadsantiin . noo dadaala ilaahay ajri ha idinka siiyee. waxaan sugaaba waa jawaab degdeg ah
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ka fiicnaanshaha aad ka fiicnaatay laba mid ayuu ku imaan karaa, in dhagax kaliya aysan cilladaadu ahayn oo infekshan la socday, dhagaxa xameetida galane badanaa infekshan ayuu keenaa oo aad ku fiicnaatay diinsida aad cabtay maadaama diinsida ay watar qallajiye oo kale ay leedahay.
Ama in dhagaxa hadduu weyn yahay uu xameetida afkeeda isku teeday, haddane ilaahay ka wareejiyay laakiin dhici karto in uu ku dhex jiro.
Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa xameetida:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa waxtarka Diinsida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3853.0.html

Taladayda waa in aad baaritaankii hore ku laabataa oo dhagaxii la sheegayay ka war doontaa, hadduu wax aad u yar ahaa markii horaba, waxba haka walwalin xanuunkii hore ee ku qabtay dhagaxaa inuusan ahayn oo uu ahaa caabuq xameetida ayaa dhici karto.
Haddii aad tahay qof cayilan ama qaba cudurka thyroid-ka waa dhici kartaa in dhagaxaa kugu sii waynaado ama mid kale suubsamo ee caafimaadkaaga la soco oo taxaddar lahaw.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: