Author Topic: Su'aal: Haween uur leh oo dibbireyso?  (Read 4077 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hawakalif

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Haween uur leh oo dibbireyso?
« on: June 10, 2015, 07:48:43 PM »
asc walalayal dhamantin salankadib
maxaa sabab u ah haweene uur 18 weeks ah
in ay marki la gaaro 6:00 fidnimo ama  wixii galabti logaro ba ay
caloosha fureyso sidi dibiro
ay jif iyo fadhi midna u ficnen

asc mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haween uur leh oo dibbireyso?
« Reply #1 on: June 13, 2015, 02:50:32 PM »
Caloosha oo ku dibbirto xilliga uurka waxyaabo badan ayaa keeni karo, waxaa ugu horreeyo Gaaska, haddi aad gaas qabtid dibbiro iyo caloosha oo shanqarto marmarka qaar waad yeelan kartaa inkastoo ay ku xiran tahay xillaga aad wax cunayso iyo xilliga aad walaacsan tahay, laakiin waqti gooni ah maalin kasta ma lahan.

Midda kale ee keeni karo waa haddii aad mataano sidid ama biyaha uurjiifka ay kugu badan yihiin, taasina lama arko bilaha hore, oo waxay u badan tahay wixii 7 bilood ka dambeeyo.

Waxay kaloo ka maan kartaa cadaadis caloosha ama xanuun la socdo waqtiga aad tilmaantay ee 18 usbuuc in cillad xaga uurka la xiriirto, sida in ilmaha ay qoolan yihiin oo kale.

Taladayda waa haddii aad dareensan tahay in waxaan ay kugu cusub yihiin oo horay aadan u arki jirin haddii aad horay uur u yeelatay in aad takhtar la xiriirtid, haddii aad aaminsan tahay wax gaaska la xriira iyadane in aad takhtar u tagtid si gaaska lagaaga daaweeyo.
Markasta hooyada uurka leh in ay takhtar la xiriirto waa muhiim.

Halkaan ka baro cilladaha la socdo uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21835
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Caruur iyo Haween nafaqo dari ugu geeriyooday Gedo

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5611
Last post June 08, 2011, 04:26:28 PM
by Drkheyre
Su'aal: Haween Paralysis Uur ma qaadi kartaaaa?

Started by CiisemidnimoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5789
Last post April 30, 2011, 08:18:01 PM
by SomaliDoc