Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Wel-Wel Xaad-Dhaaf Ah.

<< < (2/2)

SomaliDoc:

Walaal Darmaan sida aad u sharaxday OCD waa hal qeyb oo ka mid ah, mana ku dhahayo OCD ayaa qabtaa illaa aad ka aragto dhakhtar aqoon u leh xanuunkaan kadibne adiga ku arka.

OCD waxaa loo soo gaabiyaa "Obsessive Compulsive Disorder", qeybta aad tusaalooyinka ka bixisay waa qeybta "Compulsive-ka" oo qofka inuu wax nadiifiyo ama wax tiriyo uu ku waalan yahay, waa ficil uu gacanta ka samaynayo oo ku soo celcelinayo ha ahaato albaab la hubinayo, lacag la tirinayo, istanjada, wax hubinta soo noqnoqoto, sababta qofkaa uu sidaas u samaynayane waa welwel ku taagan.

Dhinanac kale waa arrina maskaxda ku soo laalaabanayso laakiin aadan ficil la socon tusaale ahaan arrin ayaa qofka ku dhaggan inuu ka welwelo mooyee ma joojin karin, isagoo aanan ogeyn xitaa wax uu ka welwelayo in ay dhici rabaa ana sida uu u maleeyo in ay u dhici karaan.
Ogow xanuunada maskaxda way is dhexgalaan waxaa dhici karto in qofka labo cudur oo isku qasan inuu qabo oo mid ka mid ah kan kale uu keenay, wewelka wuxuu ka mid yahay xanuunada la socon karo xanuuno kale ee dhimirka ah.
Qeybta 'Obsession'-ka waa arrin welwel kugu heysa oo kugu taaagan, tusaalooyinka aad tilmaantay way ka mid noqon karaan in aad ka welwelsan tahay in aysan arrin kuu hagaagayn ama wax kaa hallaabi doonaan, laakiin tan laftirkeeda welwelka siyaadada ah wuu keenaa in qofka saa u fakaro, laakiin nooc shakki ah ayaa ku dhafan, marka si loo hubiyo waa in aad aragtaa dhakhtarka aan kuu tilmaamay.
Welwelka markuu siyaado noqdo qofka wuu howlgabiyaa oo cabsi siyaado ah ayaa ku soo koroto, in qofka uu is dhaho haddii aad baxdid amuu gaari ku jiiraa, amaa haddii balakoonka istaagtid meesha ka dhacdaa amaa haddii aad qolka isku xertid hawada kugu xirantaa, amaa haddii aad qof xanuunsan agfadhiisatid, xanuunka ku qaadsiiyaa, amaa haddii aad bii'al raacdid shil gashaa, lama soo koobi karo, welwelka iyo shakkiga meel kasta oo nolosha ka mid ah ayuu galayaa kadibne qofka nolosha ayuu ka fadhiisanayaa, shaqadii ma aadi karo, iskuukii iyo jaamacaddii waa ku dhib.
Xittaa xilliga imtixaanada shakkiga wuu ku kordhi karaa qofka welwelka awgiis amaa su'aasha saa uga jawaabtay qalad tahay amaa si kale macallinka u rabay, waxaa dhici karto in waqtiga ku dhamaado qofka isagoo hal su'aal marba si uga jawaabayo.

Haddii aan talo ku siiya xanuunada welwelka iyo kuwa dhimirka guudba, daawooyinkooda way tirsamaan, in ay wax kaa taraane waxay ku xiran tahay in marka hore cillada saxda in la helo, marka xigto in daawadaada la socod joogto ah oo takhtarka ayay u baahan tahay, daawooyinka side effects badan ayay leeyihiin.
Waxaa intaa sii dheer, xanuunada welwelka "mental distress, depression, anxiety iyo panic disorder" intaba daawo kaliya laguma xalliyo waxaa jiro waxyaabo la yiraahdo 'psychotherapy' o ah macnaheeda in qofka lala sheekeesto si qaab hadal ama tababar kale oo aan daawo ku jiran looga dhaadhiciyo ama loogu abuuro kalsooni in uu ka adkaan karo xanuunka.

Waxaa intaa ka muhiimsan haddii aan dad mushimiin nahay ku xirnaanshada ilaahay iyo qur'aan akhriska in dad badan oo ku wareeray xanuunadaan in ilaahay wax ku caafiyo, ma ahan kaliya in quraan lagu saaro oo xoolo laguu qalo waa in aad adiga akhrisato oo ilaahay ka bariso in xanuunkaan kaa qaado, ogow isma diidayaan daawooyinka, quraanka iyo alle bariga oo dad ayaa aminsan haddii aad qur'aan u jeesanaysid in aad joojisid daawoyinka oo dhan.

Midda kale in aad ka hadashid xanuunkaaga ama aad heshid meel aad ku nafistid ama kula fahmi karo waxa ku hayo, waxay kaa dajinaysaa culees badan sidaas awgeed ayaan dadka xanuunada nafsaaniga ka sheegto oo halkaan ku soo gudbiyo cabashadooda aan u siinnaa tixgalin gooni ah si ay u helaan meel ay ku nafisi karaan maadaama culees dhinac kasta uu ka heesto.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa, allane ha kaa qaado xanuunka.
http://somalidoc.com

Darmaan123:
Walal waad mahadsan tahay.
aad iyo aad baad u mahadsan tahay.

intaa ka bacdi sidaa aad sheegtay waa runtaa oo webkan sida aan ugu nefisay lama qiyaasi karo qoraalna kumasoo koobi karo.
anigoo quus taagan oo is leh waad waalan doontaaye maxaad kasii noolaanaysaa. oo u haysta waxan i hayaba waali horteed ayaan website-kan somalidoc.com helay walaahay sidaan ugu nefisay aniga uun baa og, waxaan ogaaday in xanuunada maskaxdu badan yihiin.
waxaan ogaaday in ay kala duwan yahay.
waxaan ogaaday in waalida iyo welwelku kala gedisan yihiin.
markii hore waxaan is lahaa mar haddii cilad maskaxda ahi timid waa halkii waalidu ka bilaabmi lahayd.


dadkeena caadiga ahina xanuunadan maskaxda waali bay u yaqaaniin oo qaar aan u sheegay ayaa iga dhaadhiciyay in arrinta waalidu halkaa ka bilaabanto,


maalin baan tegay hospital dhimirka ah laakiin dhakhtaro general ahi joogaan, waxaan ku idhi arrintaydu waa sidaase bal waxaad ii qabankartaan ii qabta.

waxay i waydiiyeen suaalo iyo tirooyin caadi ah sida 75-2=? runtii waan yaabaa sida ay ii haysteen aniga laf ahaantaydu dabcan miyir qab isuma haysan.
markaan su'aalihii saxay waxay igu yidhaahdeen kiniinkaa (amitriptyline) qaado oo iska seexo.

diktoore haddaan kuu sheekeeyo waad yaabaysaa, xitaa eheladaydu dhammaan waxay igula taliyeen in aan xaaska iska furo maadaama arrintaydu maskaxda tahay oo waxkastaa dhicikaraan.
waxay igu yidhaahdeen hebel iyo hrbelba xanuunkoodu halkaas buu ka bilaabmaye intaad sii miyir qabtid gabadha miskiinaa ah iskasii fasax si aanay hadhoow kuugu xanibmin, waan ka rumaystay oo gabadha waxaan furay 2009, laakiin markaan webkan helay ee aan wax kala fahmay ee aan degay ee noloshaydii iisoo noqotay ayaan xaaskiina dib usoo ceshaday shaqadaydiina dib u bilaabay.

dadka hadalkoodiina waan joojiyay, cid bani aadam ah oo arrimahayga kala hadlo adiga oo qudha ayaa jira, illaahay khayr haku siiyee.
maalinkasta culays baa iga dega.

Darmaan123:
Walal waxaan garan waayay sababta xanuunkan igu keentay, waayo family-gayga sida waalidkay, adeeraday, abtiyaashay iyo habaryarahay midna xanuunkan kuma arag lagumana sheegin, haddana waxaan maqlay xanuunadani waa dhaxal.
Hadaba diktoore waxaad iiga warantaa ma si kale ayuu ku yimaadaa?.

Suaashayda kalena waxa weeye walal.
Marka aan akhristo calaamadaha ama astaamaha lagu garto xanuunkan ocd waxaan had iyo goor ku arkaa erayadan galmada ku saabsan waana sidan ( intrusive sexual
thoughts).
Walal bal halkaa ii jilci micne ahaan, markasta oo aan symptoms-kiisa baadho waxaan ku arkaa erayadan galmada ku saabsan, haddaba qofka ocd qabaa ma galmada ayuu dhibsadaa mise wuu ku waalan yahay sida maniac oo kale.?.

SomaliDoc:
Waad sida aad tilmaantay bulshawaynta xanuuanda dhimirka ku dhaca waalli uun bay u taqaannaa, iyagaana uga sii dara qofka xanuunsan, qof la daawayn karo ayaa waxaa arkaysaa in la xiro oo la katiinadeeyo oo dhowr sano xirnaado.
Waxaa intaa sii dheer, wadanka way ku yaryihiin takhaatiir rasmi ugu takhsustay "psychiatric" oo badanaa waxaad la kulmaysaa takhaatiir koorso "mental health" dhowr bilood ah ka qaatay hay'adaha samafalka sida "WHO" iyo kuwa kalaba.
Waana ka xumahay in xaaskaaga lagaa furay laakiin nasiib wanaag aad is haleesheen mar kale.

Su'aasha aad i waydiisay ee maxaa ii keenay xanuunkaan waa muhiim.
Inkastoo aan la aqoonin qof walba waxa u keenay xanuunadaan aana la baari karin, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in ay ka dhalato dhowr waxyaabood oo isku tagay, waxaana loo kala qaadaa sidatan:
1- Hidda-socod: in dhaxal ahaan kugu soo gaaray oo aad xambarsaan tahay hidde-socod u nugul xanuunadaan dhimirka.
2- Biology ahaan: oo laga wado qaabka jirkaaga u shaqeeyo dheecaannada uu soo daayo iyo xubnaha sida ay u wada shaqeeyaan, sida maskaxda farriinta ugu dirto jirka qeybihiisa iyo wixii la xiriiro arrimahaas haddii ay cillad ka jirto.
3- Maskax ahaan: haddii qaab fakarka, wax fahmidda, wax fasiridda iyo wixii kaloo la xiriiro shaqada maskaxda cillad haddii ay ka jirto.
4- Cillad deegaanka ah: haddii qofka dhibaato ka soo gaartay noloshiisa oo saameyn ku reebi karto sida dhaawac, qax, dagaal, dhimasho qof uu jecel yahay, ama cillad yaraantii saamaysay sida waalidka uu wax uusan ka falinayn ku arkay ama ay ku sameeyeen, qofkuu yar haddii la fara xumeeyo iyo wixii nafsiyaatka qofka dhaawac ku reebi karo oo uu la kulmo noloshiisa.

Intaa way is bahaysan karaan, wayna kala socon karaan, marka lama sheegi karo qofkaan meesha ay cillada ka soo gaartay.
Waxa muhiim ah in la ogaaday in cilladahaan aysan ku imaanin qofka shakhsiyadiisa oo daciif ama uu leeyahay dabci nooc kale ah, xanuunada dhimirka sidaa kuma yimaadaan.

Su'aashaada labaad ee ku saabsan "intrusive sexual thoughts" waa nooc ka mid ah shakki dhib badan oo ku saabsan fakarro kala duwan oo qofka ku soo dhacaya oo al xiriiro galmo tusaale ahaan:
- cabsi in aad jeclaatid ama ku jeclaado qof aad dheceb tahay ama qof diintu kaa xarinto ama in ay kugu soo laalaabato fakar adigoo qofkaa wax la sameynayo, inkastoo dad aad u yar ay dareemaan arrintaan laakiin waa mid aad u xanuun badan.
- in aad dareentid shakki amaa caruur xoogtaa, amaa xoolo wax ku samaysaa ama is qaawisaa amaa qofkaas u galmootaa amaa kontaroolka kaa lumaa oo aad is celin waysaa, amaa qaniis tahay oo aadan is ogayn amaa lagu xoogaa, amaa islaantaada qancin waysaa amaa galmada aad dhib ugu geysataa iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
intaas waa tusaalooyin waxa qofka maskaxdiisa wareerin kara oo ku soo laalaaban kara, waana nooc ka mid ah shakkiga OCD, dad dhif ah ayaa dareema, waxa uu qofka dareemayo waxay noqon kartaa rabitaan, cabdsi, dambi, yaqyaqsi, wareer, xanaaq ama niyad jab iyo welwel.

ma ahan calaamadihii kacsiga badnaan iyo is celis la'aantii lagu yaqaanay xanuunka Mania.

Darmaan123:
Maasha allaah. walal si fiican baad ii fahamsiisay illaahay khayr badan hakugu abaal mariyo, waad ii dedaashay waxaadna ii hurtay waqtigaaga qaaliga ah qayb wayn oo ka mid. illaahay baa khayr kaaga abaal marin doona insha allaah.

Waad mahadsan tahay walal mar labaad

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version