Barkhat caafimaad ayaa eebbe kaaga baryayaa, midda xigta labada xanuun ee aad tilmaantay waa isku ekaan karaan marmarka qaar, qofkane labadaba wuu lahaan karaa, mid ka mid ah wuu u badnaan karaa.
In la kala ogaado waxay u baahan tahay waraysi dheer, waana muhiim sida aad tilmaantay in aad takhtar cilmi nafsi heshid.
Haddii aan isku dayo in farqiga u dhaxeeya ee waaweyn in aan kuu tilmaamo.
Cillada welwekla caamka ah (GAD) waxaa lagu yaqaanaa welwel joogto ah sida aad tilmaantay oo markii albaab welwel kaa xirmo in mid kale kuu furmo, waxaa la socdo murqo xanuun khaas ahaan kuwa qoorta iyo hurdo la'aan ama hurdo aan raaxo lahayn.
Cillada shakkiaga iyo waswaaska waxaa lagu yaqaanaa in fikrad ama ficil gooni ah ay markasta kugu soo laalaabtaan oo aan si sahal ah ku tagaynin sida midda welwelka oo kale, tusaalooyin badan iyo qaabka labadaan xanuun lagu kala fahmo iyo marka ay isla socdaan intaba waxaad ka ahkrisataa qoraalkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.htmlwaxa ay iskaga midka yihiin oo loogu wareero waa welwelka oo hadane soo laalaabanayo.
Welwelka la socdo GAD waa mid caam ah kuma koobno arrin gooni ah meesha tan OCD ay arrimo gooni ah ku koobnaan karaan.
Waxaa kaloo dadka OCD qabo ay isku dayaan in fikradda ama ficilka ay ku dhagan yihiin in ay ku soo celceliyaan si uu welwelka uga yaraado meesha dadka qaba cillada GAD haddii ay ku soo celceliyaan waxa welwelka ku hayo ama ay ka sii fakaraan ay ku sii welwelaan.
Waxaan filayaa in aad fikrad ka qaadatay farqiga u dhaxeeyo.
Su'aasha kale ee ku saabsan qaabka loola tacaali karo welwelka khaas ahaan tusaalaha aad tilmaantay waa mid fiican in aad welwelkaaga xakamayn karto oo soo afjari karto, waana dariiqo ka mid ah qaababka loo xalliyo in aad ka daba gaysid welwelka oo aad ka soo qaadid in arrinta aad ka walwalaysid ayba dhacday, halkaasne uu welwelka ku istaago.
Waa arrin la baro dadka welwela si ay ula tacaalaan welwelka.
Siyaabaha aad ula tacaali karto murugada iyo welwelka, halkaan ka akhriso:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,826.0.html
Wixii talo ah iyo faahfaahin aad u baahan tahay, waad na soo waydiin kartaa.
http://somalidoc.com