Diseases and Conditions > Qaybta Wacyi Galinta
Caado Dhaqameed Caafimaadka U Daran!
Pharmacist:
Waa mawduuc aad muhiim u ah, una baahan in wacyi galin lagu sameeyo dadka ku dhaqaaqaya waxyaabo aan waafaqsaneen diinteena suuban caafimaadkane u daran.
Su'aasha ku aadan biraha la isku gubo waxay la xukun noqonayaan, biraha ilkaha la isaga siibo, kuwaas oo laga qaado cuduro badan uguna horeeya cudurka AIDS-ka.
Sida saxda ahne waa in la dhaqaa oo biyo kulul lagu karkariyaa meel nadiif ahne lagu xifdiyo, mida gubida ahne shakhsi ahaan waan ka soo horjeedaa, idinkane ra'yigiina waa ka dhiiban kartaa.
Thanks Waxbaro!, Dr.Noora, Diagnostic & Munim
Real Pharmacist
Waxbaro!:
Sida qaladka ah ee somalida u isticmaasho gubida khaas ahaan ilmaha yaryar waa in la joojiyaa lagana wacyi galiyaa waalidiinta, inta aan dhihi lahayn biraha biyo kulul halugu kululeeyo si loo isticmaalo!!!
Inkastoo sida aan u fahmay walaalkey uu ka wado hadiiba ay tahay in la isticmaalo, jeermiska halaga dilo si aysan cuduro kale oo qatar ah aysan ugu gudbin.
Waxbaro!
Doctoor:
Horta waa ku mahadsantihiin mawduuca sida aad uga qeyb qaadateen,
Somalidu waxa ay leeyihiin caadooyin badan oo ay ugu talagaleen in ay isku daaweeyaan, kuwaasoo qaarkood caafimadka wax u dhima, qaarkoodne aad la yaabaysid waxa loola jeedo.
Waxaa ka mid ah kuwa horay aad ugu soo sheegteen, tahliisha oo si khalad ah loo isticmaalo, biraha la isku gubo, ilkaha oo laga siibo si shubanka loo istaajiyo iyo kuwa kale oo badan.
Laakiin caadooyiinka iigu yaabka badnaa oo qaar kamid ah aan arkay qaarka kalane aan maqlay waxaa ka mid ah:
In ilmaha loogu qubeeyo subaxdii hore dhiig dheef la gawracay (ari) oo la leeyahay caafimaad buu ka helayaa.
taasi waxaa iiga yaabka badneed markii aan maqlay in ilmaha xanuunsan somalida qaar ay u daaweeyaan sidatan:
waxaa la soo raadinayaa nin xoogan oo shaqo culus soo qabtay (sida xamaali, dhagax jiabin iyo guri dhisow) ayaa isagoo dhididkiisa leh loo keenayaa cunugii jiranaa, markaasoo galinayaa kilkisha (shiirka) si uu u huuriyo iyagoo aaminsan in huurkaasi uu caafimaad ka helayo.
Marka waxaan idin waydiinayaa hadii ay jiraan caadooyin la yaab leh oo noocaan oo kale ah inaad noo sheegtaan iyo fikrada ka dambeysa cadadaan aan kor kusoo xusay oo in cudur laga qaado maahanee aan caafimaad laga helayn!!!!!!!!!!
Doctoor
Diagnostic:
:o ??? :o ??? :D
Very funny!!!!!!!!!!!!
what a treatment??
Stop suffocating children.
Waligay ma maqlin tanoo kale, cudurka uu qabo cunugaan la huurinayo mxuu yahay?!
Diagnostic
Lovely_Huda:
hiiii nice topic
i think tahliisha inay qofka caafimaad siiso maahane kama darto ,,,, il aham min da tabcan ma u malaynaayo in tahliil candhuuf lugu tufaayo why should that person inuu candhuuftiisa ku tufo ? mesha duco maa laga rabay mise jiro .... people should be careful about doing it ... il moshkila mosh fi " tahliisha" innnama fi naas we tariiqit illy biyicmilohaaa...
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version