Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: BIYAHA SHAHWADAYDA WAA %20 Maxaa Sababay?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Sida jawaabta ka muuqato, cilladaadu waa dhaqaaqa ama xawaaraha uu ku socoto xawada oo ah waxyaabo aad u yaryar oo aan ishu arki karin oo shahwada ku jirto, howshoodu way inay bacrimiyaan ugxanta dumarka.
Haddii socodka ama dhaqaaqa shahwadu ay ka yaraato 25% percent waa cillad u baahan in al xalliyo, sida caadiga ah waxaa la rabaa in ay ka badato 50%, dadkane way ku kala duwanaan karaa, dad baan 55%, dad baa 60% ah dad baa 70% ah, laakiin ma jirto wax la yiraahdo 100%.

Waxyaabaha socodka xawada yarayn karo waxaa ka mid ah, haddii infekshan qanjirka prostateka jiro ama infekshan xiniinyaha ah, waa in la daaweeyaa infekshanadaas haddii ay jiraan, kadibne waxaad qaadan kartaa daawooyin fitamiinno ah oo caawin kara sarane u qaadi kara tayada shahwada, cilaldaadu waa tayada shahwada ee ma jirto cillad kaa haysato xagga tirada shahwada.

m.mo141:
Masha allah THANKX aad ayaa u Mahadsan tihiin Bahda SOMALI DOC

m.mo141:
DOCTOR daawooyinka aan qaadayo ma ii sheegi kartaaa

SomaliDoc:
Daawada waa in dhakhtarka aad la xiriirtid kuu qoraa, halkaan daawo lagama qoro.

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version