Author Topic: Su'aal: Xubinta taranka oo qoyaankeedu badan yahay?  (Read 26784 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Samar Ali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xubinta taranka oo qoyaankeedu badan yahay?
« on: August 08, 2015, 12:49:01 PM »
Asc su aashaydu waxay tahay maxaa keena xubinta taranka oo had iyo goor qoyan ,qoyaankaas aan lahayn wax ur iyo cuncun aan lahayn waxaana ahy gabar mahadsanidin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xubinta taranka oo qoyaankeedu badan yahay?
« Reply #1 on: August 09, 2015, 12:05:26 AM »
Farjiga wuxuu yeelan karaa qoyaan dabiici ah oo eebe ugu tala galay inuu nadiifiyo kana hortago jeermiska noocyadooda kala duwan.

Qoyaanka dabiiciga ah wuxuu kaga duwan yahay qoyaanka xanuunka uu keeno in uu ur leeyahay, cunucn ama dhabar xanuun uu leeyahay iyo inuu midab yeesho.
Qoyaanka farjiga dabiiciga ah ma lahan ur daran, midabkane wuxuu u egyhay biyo caadi ah ama caano la khafiifiyay oo kale.

Waxyaabaha badin karo qoyaanka dabiiciga waxaa ka mid ah, xilliga ugxanta la soo daynayo, xilliga naasnuujinta, xilliga kacsiga iyo xilliga uurka inkastoo xilliga uurka uu leeyahay ur gooni ah oo lagu fahmo uurka.

Haddii midabka, urka iyo nooca qoyaanka intaba aan sida kor aan ku soo tilmaamay uu yahay wax laga walwalo ma ahan, laakiin haddii aad ku aragto wax ka badalan intaa oo la socdaan cuncun, hur, dhabar xanuun, obuc xanuun, waa calaamad infekshan ee dhakhtar la xiriir.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Infekshanka haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16454
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21665
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15961
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48720
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 22957
Last post October 16, 2011, 12:04:08 AM
by SomaliDoc