Waa maxay calool majiirka nuunaha?Calool majiirka ugu caansan ee nuunayaasha ku dhaco waa mida ka dhasha hawada caloosha ku xiranto, waana cillad ku badan caruurta u dhaxayso da'dooda 1 illaa 4 bil maadaama korriinka calooshooda iyo mindhicirrada aysan dhameestirmin.
Qiyaastii boqolkiiba 70 ka mid ah caruurta waa lagu arkaa calool majiirka.
Waxay ku dhici kartaa caruuta naaska la nuujiyo iyo kuwa dhalada caanaha lagu siiyo labadaba.
Maxa keeno calool majiirka nuunaha?Dhibka wuxuu imaadaa markii hawada uu ilmaha nuugay markuu caanaha la siinayay naaska ama dhalada labada ha ahaato in ay ku xirmaan caloosha oo ay cadaadis saaraan mindhicirrada iyo caloosha, waxay dhibtaan timaadaa haddii lexdaan sabab mid ka mid ah ay dhacdo:
- Haddii hooyada ay naaska si aan sax ahayn ilmaha u siiso oo qaabka ay u qabanayso uu qaldan yahay oo cunuga afka safiican ugu qabsan waayo naaska
- Haddii cunugga si siyaado ah loo nuujiyo ama caano loo siiyo hal mar
- Haddii cunugga uu dhasho isagoo waqtigiisa uusan dhamaysan
- Hadduu cunuga allerji ama xasaasiyad ku yahay caanaha naaska ama kuwa kalaba
- Haddii caanaha cunuga la siinayo ay ku badan tahay maadada la yiraahdo Lactose.
- Haddii cunugga uu aad u ooyo, waxay keenaysaa inuu hawo badan liqo.
Sidee lagu ogaan karaa in cilladaan cunuga hayso?- Ooyin badan
- Dilqis siyaado ah
- Caloosha oo dibbirsan
- Nuuso iyo aaryo badan
Sidee arintaan loo xallin karaa?Waxaa ugu muhiimsan 3 shay in aad samayso si aad uga hortagto cilladaan ama u yarayso:
- In qaabka saxda ah ee loo nuujiyo caruurta in aad taqaanid, halkaan ka akhriso qaabka iyo talooyinka la rabo in aad raacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,409.0.html
- Ku dadaal markasto oo aad nuujiso cunugaaga in aad daacsiisid oo illaa uu ka daacsado aadan sariirta ku ridin, waxay arintaan yaraynaysaa in calool majiir dhaco, sida ugu fiican ee loo daacsiiyo caruurta waa in aad xabad xabadkaaga u saartaa, qoortane dhinaca qoortaada u saarto, kadibna dhabarka u salaaxdo, haddii ay dhacdo in adigoo daacsiinin aad jiifisid oo majiir ku aragtid waa in aad caloosha u salaaxdaa ama cadaadis yar u samaysaa si aad u caawisid hawada in ay soo baxdo ama waxaad cunuga ku jiifin kartaa gacantaada adigoo madaxiisa waxyar hoos u janjeeriya kadibne dhbarkaa u salaax dhinaca qoorta si hawada u soo baxdo ama cunuga dhabarka u jiifi kadibna lugaha u dhaqaaji sidii qof baaskiil wada oo kale, waxay keenaysaa in hawada ku jirta mindhicirrada qeybaha hoose in ay soo saarto.
- Haddii intaa wax tari wayso oo dibbiriyo iyo ooyin siyaado ah aad ku aragtid cunuga waa in aad isticmaashaa goojooyinka calool majiirka nuunyaasha loogu talagalay oo aad farmashiyada ka heli karto ama kala tashan kartid dhakhtarkaaga.
Goojooyinka loo isticmaalo arintaan waxaa ugu caansan 3 nuuc:
1- Simethicone waa goojo loogu talagalay dibbirada, inkastoo caruurta qaar aysan waxba u tarin.
2- Gripe Water waa goojada ugu caansan dunida ee lagu xalliyo arintaan, inkastoo ay noocyo badan yihiin, waxaa ugu fiican nooca la yiraahdo "Colic Calm", badanaa ugu badnaan 5 daqiiqo in ka yar ayay calool majiirka ku joojisaa.
3- Tummy Calm, waa iyadane goojo kale oo dabiici ah oo sida gripe water-ka si degdeg ah u joojiso calool majiirka.
Haddii hooyo kasta oo ilmaheeda nuujiso ama masaasad caano ku siiso ay raacdo talooyinkaas, ilaahay idinkiis calool majiir ma arkayo cunugeeda.
Akhriso qoraaladaan faaidada leh:
1- Faaidada Naas Nuujinta:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html2- Sidee loo badiyaa caanaha naaska:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5931.0.html3- Xiriirka naas nuujinta iyo uurka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2529.0.html4- Buruqda naasaha ku samaysanto:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html5- Maxaa yareeyo caanaha naasaha?:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5596.0.html
http://somalidoc.com