Author Topic: Su'aal: Uurka goormaa la ogaan karaa wiil iyo gabadh?  (Read 11643 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Uurka goormaa la ogaan karaa wiil iyo gabadh?
« on: September 22, 2015, 04:39:24 PM »
1.uurka wakhtigee la ogaan karaa inuu yahay wiil iyo gabadh

2.uurka sharaabka sodhaha leh wax mayeeli karaa  sida  pepsi , fanta , coka




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Uurka goormaa la ogaan karaa wiil iyo gabadh?
« Reply #1 on: September 27, 2015, 12:02:54 PM »
Waqtiga la ogaan karo waxay ku xiran tahay qalabka aad ku baari rabto, haddii aad rabto ultrasound ama kumbuyuutarka caloosha la saaro in aad ku ogaatid waxaa ogaan kartaa wixii ka dambeeya 14 usbuuc, laakiin badanaa dhakhaatiirta 18 usbuuc markuu gaaro ayay si sahlan u xaqiijin karaan.

Waa laga fiican yahay in la cabo cabitaanada aashitada leh ee SODA-da, maadaama ay tamar qofka u yeelayaan iyadoo wax nafaqo ah laga faaidin, waxaa intaa sii dheer soda-da qaar waxaa ku jirto maadada "caffeine" oo uurka u fiicnayn in la badsado.
Waa in aad ka fogaatid in aad cabtid cabitaanada "caffeine" ta ku badan tahay sida coca-colada oo kale.

Talo: badalka cabitaanadaas warshadaysan ku badalo cabitaano dabiici oo fresh ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: