Author Topic: Su'aal: Daawo maleeyahy xanuunka Multiple Sclerosis?  (Read 3292 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Oskaman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawo maleeyahy xanuunka Multiple Sclerosis?
« on: September 27, 2015, 07:57:20 PM »
Asc Somalidoctors. Waxan in mudo ahba la noola xanuunka neerfaha ee Multiple sclerosis. calaamadaha qaar aan isku arkay waxa kamida in jirkeyga qeybta bidix uu daciif uyahay ama uyaryahay, mararka qaar in jirka qeyb kamida iska dhaqdhaqaqo, inaan waxyaabaha kulul cuni karin sida basbaaska, zanjabiisha etc oo xanunka igu badinayo. Sidoo kale shaaha kulul dhib ayuu igu yahay oo hada waan iska dhaafay, marka daawo maleeyahy xanuunkan. Thanks.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawo maleeyahy xanuunka Multiple Sclerosis?
« Reply #1 on: October 05, 2015, 10:38:43 AM »
Xanuunka Multiple Sclerosis waa xanuun uu keeno khalal ku yimaada difaaca jirka taasoo ka dhalata in jirku difaaciisu uu weeraro xuubka neerfaha ku daboolan iyadoo keenta in neerfuhu ay yeeshaan dhaawac.

Waa xanuun aan laga bogsanin laakiin loo qaato daawooyin yareeyo astaamaha iyo xanuunka cudurku uu keeno, waxaa laga yaabaa in qofku uu hayo xanuunkaan muddo aad u dheer ama inta qofka noloshiisa ka dhiman.

Astmaaha uu xanuunkaan keeno way kala duwan yihiin waxayna ku xiran tahay hadba neerfaha dhaawaca gaaray, waxaana ugu badan xagga aragga oo luma, xanuun, caajis, murqo xanuun iyo socodka oo qaldamo.
Xanuunku way ku kala duwanaan karaan dadka qaba xanuunkaan, dadka qaar eebe wuu u sahlay dadka qaarne xanuun adag ayaa ku dhaca.

Xanuunada meelaha ugu badan ee laga dareemo waa dhabarka ama indhaha, waxay ku bilaaban kartaa ruxidda madaxa ama indho gadinta, qofka wuxuu yeelan karaa gariir gacmaha ama lugaha ah.
Murquhu way adkaan karaan taasoo qofka dhib ku noqonayso socodka iyo wax qabsashada sida dhar xidhashada, shallaysiga iyo in murqaha ay iska dubaaxiyaan ama iska dhaqdhaqaaqaan kotarool la'aan.
Qofka wuxuu yeelan karaan kaadi badan habeenkii am in kaadida ay ka fara baxsato ama kaadida ay ku xiranto.
Xaga dareenka wuu saamayn karaa sida dhadhanka cuntada, kabuubyo jirka iyo in cirbado lagaaga mudayo meelaha qaar ama in jirka aad ka dareento hanbab ama olol.
Xaga aragga wuxuu keeni karaa in qofku aragiisu uu noqdo labolabo ama araggu caad ka fuulo ama aragga uu gabo.
Xaga dareenka iyo kacsiga qofka wuu saameeyaa.
Wuxuu kaloo saameyn karaa hadalka iyadoo qofka hadalkiisa jarays u yeelo ama uu hadalka ka lumo.
Xaga niyada wuxuu keenaa welwel iyo kacsanaan niyada ah.

Daaweyntu waa badanaa kaalmaati, daawooyinkaas oo yaraynayo dhaawac neerfaha gaarayo iyagoo hoos u dhigo difaaca jirka oo weerarka xambaarsan.

Waa muhiim in xanuunkaan uu kaa daaweeyo dhakhtar specialist ah oo aqoon u leh khaas ahaan "neurologist", waa laga yaabaa in dhakhaatiir kale aad u baahatid laakiin dhakhtarkaaga asaasiga ah waa inuu noqdaad dhakhtar ku taqasusay cudurada neerfaha ku dhaco.
Akhriso waxa ay ku kala duwan yihiin takhasusaatka dhakhaatiirta soomaalida isku qladdo badanaa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5850.0.html

Xanuunkaan u niyayso inuu dambi dhaaf alle kaaga dhigo, waa xanuun u baahan dulqaad badan.

Haddii aad su'aalo kale qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Caafimaad baan kuu rajaynayaa..
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18043
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15601
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35654
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 41555
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 88573
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!