Marka aad caabuq sanbab qabtid, kiishashka hawada ee sanbabada ayaa waxaa ka buuxsama jeermis ama xab.
Caabuqa sanbabka "Pneumonia" waxaa keena bakteeriyo, fayras ama kiimiko. Badanaa qofna qof kale uma gudbiyo.
Calaamadaha cudurka sanbabka (Pneumonia)• U neefsashada si ka dhakhsa badan sida caadiga ah ama dhibaato neefsashada qofka kaga timaadda
• Laab xanuun marka la neefsanayo ama la qufacayo
• Qufac xab leh oo laga yaabo inuu yahay jaalle, cagaar ama midab daxal/mirir
• Qandho
• Qar-qaryo ama gariirid
• Dhidid
• Faruuryaha ama ciddyaha oo buluug noqda (cyanosis) - waxay tilmaamaysaa in hawada oksajiintu ay kugu yaraatay.
Maxaa keeno caabuqa sanbabada?Caabuqa sanbabada ku dhaca waxaa laga qaadi akraa jeermis, jeermiskaas wuxuu noqon karaa mid bulshada ku badan ama mid isbitaalalda laga qaado, waa muhiim in caabuqa la ogaado meesha aad ka keentay.
Waxaa badanaa lagu ogaan karaa, haddii adigoo isbitaalka jiifa 2 maalmodo in ka badan isku aragtay astaamaha kor ku qoran waa in laguu daaweeyaa qaab caabuqa sanbabka ee isbitaallaga laga qaado, laakiin haddii adigoo xaafadaada, iskuulka ama meesha shaqada ku xanuunsatid waxaa loo daaweeyaa si ka duwan.
Waxaa jiro xanuunno badan oo qofku ku qaldo xanuunka Oof-wareenta, waxaana ka mid ah xanuunadaan soo socda:
1- Burunkiito:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html2- Koolba-aaryo:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5710.0.html3- Neef ama Xiiq:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html5- Qaaxo:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.htmlWaa muhiim haddii aad isku aragtid qandho iyo qufac xaako leh in aad dhakhtar la xiriritid si loo ogaado xanuunkaaga nooca uu yahay, daawane laguu siiyo, fikradaha qaldan ee soomaalidu aaminsan tahay waxaa ka mid ah in qofka isagoo saa u xanuunsan in uusan daawo raadsanin oo uu yiraahdo "hargab ayaa igu xumaaday" ee dhib kale ma qabo.
DaryeelkaagaTakhtarkaagu wuxuu dhegeysan doonaa sanbabadaada. Waxaa laga yaabaa in raajo feeraha lagaa saaro isla markaana candhuuf laga qaaday laga fiiriyo jeermis bakteeriyo ama fayras loo yaqaanno abuurka xaakada (sputum culture).
• Waxaa laga yaabaa in aad antibiyootiko kaniini ahaan u qaadato ama IV (xididka lagaa siiyo). Kaniiniyada sida lagu faray u qaado. Daawada oo dhan qaado ilaa aad ka dhammeysaneyso xataa haddii aad bogsato.
• Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawo si ay kaaga fujiso xanuunka ama qufaca. Daawada sida lagu faray u qaado.
• Waxaa laga yaabaa in ogsijiin lagu siiyo iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga.
• Waxaa lagu weydiinayaa in aad qufacdo aadna si qoto dheer u neefsato 2-dii saacadoodba mar inta aad soo jeeddo si xabka lagaaga saaro.
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo ku tuf warqadda dhididka la isaga tiro ka dibna iska tuur. Ha liqin xabka.
• Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun.
• Sigaar ha cabbin.
• Takhtarkaaga la soco muddo 7 maalmood ah, xataa haddii aad bogsato.
Isla markiiba isbitaalka aad haddii:
• Ay dhibaato kaaga timaaddo neefsashada
• Aad isku aragto qandho ama qandhadaadu ay jireyso wax ka badan 1-2 maalmood
• Aad isku aragto jahawareer
• Aad isku aragto feero xanuun kugu soo kordhaya
• Aad isku aragto lalabbo ama matagid
Ka baro halkaan sida lagu garto xanuunada ku dhaca feeraha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html
Halkaan ku soo dir waxii su'aalo ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com