Author Topic: Su'aal: madowga isha oo sii cagaranaya?  (Read 2452 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kifayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: madowga isha oo sii cagaranaya?
« on: October 20, 2015, 07:16:36 AM »
Asc dhaman dhaqatirta aniga xaga indhaha aya dhawan isbadal ka arkay madowga isha oo sii cagaranaya cun cun habenkii ah qoraxda anan u adkesan karin mararka qaar ilin iska imato qeybta kore isha mar mar iyara xanunta  mana qabo xanunka cagarashowga wan iska baaray  lk sanboor ayan qabaa  dhaqtar indhaha ayan tagay waana ushegay intaan kor kusoo xusay  wuxu igu dhahay alergic sanboorka aya waxaan kukenay  dawoyin iqoray wan dhamestay muddo lix bilood laga joogo wax isadal ah ma arag in isbadalka midabka uu sii kordho mahane su'ash an wata waxay tahay madhici kartaa alrgic inay ii kentay mise wax siyada ah ayaa jira?  Midabkii hore (cadaan)ficnaa rajo soo celis ah maledahay?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: madowga isha oo sii cagaranaya?
« Reply #1 on: October 24, 2015, 03:56:45 PM »
Allerjiga ama xasaasiyada indhaha ku dhacda waxay leedahay heerar, way dhacdaa in indhaha ay midabkoodu is badalo wayna u badan tahay sida aad sheegtay in ay alleji tahay maxaa yeelay cuncunka, indhaha oo biyo ka dareeraan, indhaha aad moodo in ay qashin kaaga jiraan iyo iftiinka oo ku dhibo mararka qaar intab waa astaamo allerji indhaha ah.
Heerka in midabka indhaha ay is badalaan way dhacdaa laakiin waa markii qofka ay ku daahdo, waxaan talo ku siin lahaa in aad la xiriirto dhakhtar indhaha ku taqasusay si loo eego oo loo fiiriyo waxa in ay xasaasiyad tahay iyo in uu infekshan jiro maadaama infekshanada indhaha ku dhaca qaarkood ay midab kale u yeelaan indhaha.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Jeexitaanka iyo Soo-go'idda Qaybta Dambe ee Isha (Retinal Tear & Detachment)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 0
Views: 24311
Last post April 04, 2011, 07:24:43 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 42904
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Su'aal: Nabar ku dhacay isha korkeeda ma keeni karaa shigshig?

Started by Axmed A. CBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6674
Last post April 24, 2013, 12:04:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabarka cad ee isha qeybta madow hosteda kasoo baxa?

Started by Abukar mohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6168
Last post November 20, 2018, 08:26:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena isha baarkeeda hoose in uu boodboodo ?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13213
Last post March 12, 2010, 09:46:46 PM
by SomaliDoc