Author Topic: Joog-joogisga ama Isku Istaagidda Dhabarka..!  (Read 46106 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Joog-joogisga ama Isku Istaagidda Dhabarka..!
« on: January 19, 2016, 08:59:51 PM »
Waa mahasantihiin somalidoc.com
Waxaan rabaa in aan wax Ka ogaado joog joogisga ama isku istaagida dhabar Ka
Waxaa jeclahay in leeygu is istaago markii legu istaago aad ayaa u juc juc daa .
Waxtar kiisa iyo faa'iido nuucee ah ayoo Lee yahay mase haboontahay in leeys ku joog joogsado ama leeysu juciyo lafaha dhamaan xitaa dhabar ka?
Thank you!




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Joog-joogisga ama isku istaagida dhabarka?
« Reply #1 on: January 23, 2016, 04:03:10 PM »


Joogjoodsiga ma jucjuciska lafaha khaas ahaan kuwa dhabarka iyo qoorta waa caado ay sameeyaan dad badani, inkastoo sababta juciska ama istaaga loo sameeyo ay isku mid tahay, laakiin waxaa keeno cillado kala duwan.

Fikrada ka dambayso juciska ama istaaga, waa in lafaha dhabarka ama qoorta oo is cariiriyay oo isa saaray cadaadis, ku istaagga iyo jucjuciskane way kala dajinaysaa oo waxay khafiifinaysaa togtognaantii iyo cadaadiskii iyo xanuunkii laga dareemayay dhabarka, markuu qofka maqlo shanqarta lafaha markuu lagu istaago ama la riixriixo wuxuu dareemaa raaxo iyo inuu celys ka fududaaday.

Waana arrin jirta oo ay dhakhaatiirtu ogolyihiin in la sameeyo laakiin waxaa ku xiran dhowr shardi oo kala ah:
  • In istaagga ama jucjuciska uu sameeyo qof aqoon u leh qaabka ay lafaha u samaysan yihiin maadaama qofka aanan aqoonin uu keeni karo dhibaato in xangullaha ama neerfaha uu dhaawac gaarsiiyo taasoo keeni karto in qofka paralysis ama cuuryaan uu noqdo.
  • In qofka lagu istaagayo uusan ahayn qof lafa jileec ama lafa burbur qabo oo lafihiisa aysan xamili karin culeeska la saaray, waa arrin ku badan haweenka da'da ah, waxaana xanuunka la dhahaa: Osteoporosis, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
  • In qofka uusan qabin xanuun jucjucis kaliya xalkiisu ahayn sida xanuunada lafaha ku dhaco sida roomaatiisamka, lafo-beelka, xanuuanda neerfaha iyo wixii la mid ah

Jimicsiga ma daliigista ama riixriixa waxay waxtarkiisu ku fiican tahay dadka qaba xanuunkada murqaha garbaha iyo lafdhbarta isku haya, haddii ay adkaadaan ama dabcaan waxaa imaan karo in lafuhu isu dhawaadaan ama booskoodii ka soo durqaan taasoo qofka dhibayso, cadaadisne ka saarayso dhabarka, xalkuna waa in qofka daliigistaan ama jimicsigaas dhabarka loo sameeyo.

Waxaa jiro dhakhaatiir ku taqasustay riixriixaas ama jucjuciskaas kuwaas oo kala duwan, sida kuwa jimicsiga sameeyo "physiotherapists" kuwa ku takhasusay cilladaha ku dhaca lafdhbarta "chiropractor" iyo dhakhaatiirta lafaha ku taqassustay "Orthopedic doctors".

Cilladaha ugu badan ee dadka u dareemaan in ay u baahan yihiin isu istaagga iyo jucjuciska waxay ka dhalataa qofkoo si qaldan u fadhiyo muddo dheer ama dhabarkiisa saaray culeys taasoo keenaysa in dhabarku uu galo qallooc u baahan sixitaan lagu saxayo juciska.
Waxaa kaloo keeni karo stress-ka iyo welwelka iyo shaqada badan oo qofka nasashada ay ku yar tahay, sidaas daraadeed markii muddo la joogaba in qofka uu daliigis sameeyo way ku fiican tahay.
Waxaa kaloo dareemo arintaan dadka jimicsiga ku yaryahay ama shaqadooda aysan wax dhaqdhaqaaq u badnayn.
Waxaa kaloo dareemo arrintaan dadka qabo xanuunada murqaha, xanuuanda lafaha sida riixa / tufta.
Akhriso waxa Riixa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html

Talo:
  • Fadlan ha ka codsanin qof cayilan ama buuran inuu kugu istaago, maxaa yeelay awooda culeyska lafdhabartaadu ay xamili karto wuu xadidan yahay
  • Haddii aad ka wayntahay 45 sano, haween aad tahay oo aad u baahan tahay markasta in lagugu joogjoogsado fadlan la xiriir dhakhtar oo iska baar xanuuanda lafaha
  • Haddii aad qabatintay ku joogjoogsida dhabarka ma jucjuciska qoorta waxaad u baahan tahay in sawir lagugu sameeyo si loo ogaado haddii ay jirto wax cillado kale oo keeni kara dhabar iyo qoor xanuun
  • Ogow xanuunada neerfaha ee dhabarka la xiriira, jucjucsiga wax uma taro ee la kaasho dhakhtar aqoon u leh, akhriso qoraal ku saabsan Xanuunka Neerfaha ee Sinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html

Maadaama sababta ugu badan ee la iskugu istaago ay la xiriirto dhabar xanuunka, fadlan akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 28064
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22797
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 45329
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 49929
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31475
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc