
Prolactin-ku waa hormoon laga soo daayo qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano "Pituitary gland" howshiisa ugu wayn waa korriinka naasaha xilliga uurka iyo caano soo saarista, howlo kalane jirka wuu u qabtaa.
Waa hormoon marne kaco, marne dago, waana sida ilaahay ugu tala galay meel laga rabo inuu markasta taagnaado ma jirto laakiin xad ayuu leeyahay oo aanan la rabin inuu dhaafo.
Waxyaabaha sida dabiiciga ah u kiciyo waxaa ka mid ah: hurdada, welwelka, uurka, naasaha ama xabadka oo la salaaxo iyo jugta qofka gaarto, sidaas awgeed markii la cabirayo waa in qofka isagoo gaajaysan la qaado, sida caadiga ahne waxaa laga rabaa inuusan ka badan 30 ng/ml, adiga ma aadan soo sheegin cabirka aad isticmaashay ma "ng/ml" mise cabbir kale, cabiradu way kala duwan yihiin.
Waxa ugu badan ee keena inuu hormoonkaas xad dhaaf noqdo oo xanuun isku badalo waa in nabar yar oo ka soo baxo qanjirkaas loona yaqaano "adenoma" kaasoo hormoonka si aad ah u soo daayo, waxaana nabarkaas loo yaqaanaa markuu hormoonka sidaa u kicinayo "Prolactinoma", waana muhiim qof kasta oo lagu arko cilladaan in lagu sameeyo baaritaan maskaxda ah "Pituitary MRI Scan".
Hormoonkaan markuu kacsan yahay, qofka wuxuu dareemi karaa, caadada oo khalkhal gasho ama yaraato markay imaanayso amaba istaagto, dhalmo la'aan, naasaha oo caano ka yimaadaan, sababtuna waxay tahay hormoonkaan wuxuu hoos u dhigaa hormoonada u qaabilsan uur qaadista.
Wuxuu kaloo qofka ka sheegtaa, hami yari galmo, indhaha oo qofka xanuuno, madax xanuun joogto ah. haddii intas oo calaamado ah aad qabtid waa qasab in MRI sax ah lagu saaro ama mar labaad lagugu celiyo haddii ay sax ahayd si qof kale report-kiisa loo fiiriyo.
Waxyaabaha kale ee ugu badan ee u keeni karo haweenka soomaalida waa hoos u dhaca qanjirka thyroid-ka oo haweenka soomaalida aad ugu badan, sidaa darteed markuu dhakhtarka kuu dirayo baaritaanka Prolactin, waa muhiim inuu kuu raaciyo baaritaanka hormoonnada thryoid-ka, ka akhriso halkaan qoraal aan horay ugu faahfaahiyay cilladaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.htmlDaawayntu waxay ku xiran tahay cillada markaas keentay, haddii nabar ka soo baxo qanjirka soo daayo hormoonkaan waa in qalliin lagu sameeyo, haddiise tahay khalkhal hormoonka ka dhashay waa in daawo lagu saxaa, dhakhtarka ku haboon ee aad arrimahaan kala xiriiri karto waa dhakhtar cudurrada haweenka takhassus u leh.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com