Author Topic: Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?  (Read 21865 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?
« on: February 03, 2016, 12:36:33 PM »


Waa maxay Zika Virus?
Zika waa xanuun uu keeno feyraska loo yaqaano Zika kaasoo ay gudbiso kaneecada loo yaqaano "Aedes", waa xanuun hadda dunida ku faafayo si dhakhso ah, lagana soo sheegayo dalal ku yaalo latin ameeriko sida Brazil.
Waxaa la qiyaasaa 5-tii qof uu cudurka ku dhaco 1 kamid ah inuu la xanuunsado, waxaa dhici karto in aadan dareemin in uu kugu dhacay, waxaana lagu aqoon jiray inuu yahay xanuun sahlan oo sida hargabka oo kale ah, qofkane uu al xanuunsado muddo usbuuc ah, kadibna uu ka caafimaado.

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunkaan?
Waxaa lagu gartaa qandho/xumad, furuuruc jirka ka soo yaaco, kalagoysyo xanuun iyo daaf.
Waxay astaamahaan socdaan 2 ilaa 7 maalmood markii kaneecada ay ku qaniinto.

Sidee lagu kala qaadaa xanuunka "Zika"?
Waa sida malaariyada oo kale, kaneecada ayaa isku gudbin karto, kaneecadaan oo maalintii iyo habeenkiiba dadka cunto, hooyada xanuunkaan qabtane way u gudbin kartaa uurjiifkeeda ama marka ay foolan rabto, laakiin qaabka ay ugu gudbiso waa arrin aan wali la fahmin.

Yaa halis ugu jiro xanuunkaan?
Waxaa halis ugu jiro dadka u safrayo ama ku nool meelaha uu xanuunka hadda ka dillaacay.

Sidee la isaga ilaalin karaa?
Ilaa iyo hadda ma jiro wax tallaal ah oo la sameeyay, waxa kaliya ee looga badbaadi karo waa in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada, waa in aad naftaada iyo qoyskaagaba aad ka ilaalisaa adigoo raaca talooyinkaan hoos ku xusan:
  • Labiso shaati gacmo dhaadheer iyo surwaal lugo dhaadheer
  • Ha ahaado meesha aad dagan tahay meel hawo leh, daaqado leh, iftiine ah si aysan kaneecada ugu soo dhiiranin.
  • Isticmaal daawooyinka kaneecada lagu dilo sida laguugu sheegay, ka ilaali sunta kaneecada ilmaha ka yar 2 bilood.
  • Isticmaal sansayeeri ama shandrawad si aysan kaneecad kuu qaniinin.

Sidee loo daaweeyaa xanuunka Zika?
Waa in marka hore la hubiyaa in aad qabtid xanuunkaan haddii aad isku aragtid calaamadaha kor ku xusan, kadib wuxuu dhakhtarka ku siin doonaa daawooyin kaa caawiya xanuunka, laakiin ma jiro daawo aad kaga bogsanaysid.
Waa muhiim in aad nasataa, biyo badan cabtaa, qandhada iska jabiso, iskana ilaali daawada Asprin-ka iyo Diclofenac-ga.

Hadduu hooyada uurka lhe uu ku dhaco, ilmaha muxuu ku samayn karaa?
Inkastoo xanuunkaan la isaga haystay inuusan dhib ku reebin qofka uu ku dhaco laakiin waxaa isa soo tarayo warbixino sheegayo in hooyooyinka ku dhacay cudurkaan ay dhaleen caruur madaxyo yaryar oo markii dib arintaan loo baaray abuurtay welwel xoog leh oo aana horay loo geyn, taasoo keentay in hooyo kasta oo uur leh lagula dardaarmayo in aysan u safrin meelaha uu xanuunka ka dillaacay ama raacdo talooyinka kor ku xusan oo ay iskaga ilaalinayso qaniinyada kaneecada faafiso cudurka.
Waxaa hadda jiro dadaalo ay wadaan hay'adaha WHO iyo CDC sidii loo samayn lahaa tallaal looga hortago cudurkaan ama hadduu safmar noqdo wixii laga samayn lahaa maadaama la ogaaday in fayraskaan oo horay loo aqoon jiray, dhib wayne uusan keeni jirin inuu waji cusub la soo baxay oo miciyo yeeshay, taasoo caafimaad ahaan loo yaqaano markuu jeermiska isbadalo "Mutation".
Waxaa hada la soo sheegayaa in maraykanka soo gaaray, oo saakay laga soo tabinayo in laga helay qof ku nool halkaas, dhici kartane inuu dad kale u faafiyay.

Talada SomaliDoc
Sida aan wada ognahay cudurrada Feyraska oo sida dhakhsaha ku faafo sida cudurkii hada istaagay ee Ebola, inkastoo aanan sida xaqiiqda aanan ogayn iyo qaabka uu ku bilawday laakiin feyraska badankiis wax daawo oo loo hayo ma jiro aan ka ahayn kaalmaati, waxaa muhiim ah in aad ku dadaashid daawada nabigeena nagula dardaarmay ee malabka iyo xabad sowdada oo aan ognahay in ay daawo dhab ah tahay, cudurkastane alle ku daaweeyo.
Shirkadaha daawooyinka sameeyo iyo kuwa ansixiyaba markii ay timaado xaalado emergency oo sidaan oo kale, waxay juhdigooda galiyaan sidii ay u samayn lahaayeed tallaal degdeg ah oo ay dhici karto in aan la soo marsiin protocol-kii la marsiin jiray tallaalada degdeg jira awgiis sidii dhacday xaaladii Ebola, taasoo iyada laftirkeeda yeelan karto waxyeello aanan hadda la ogayn, meeshane kama marano ganacsi oo shirkadaha xaaladahaan oo kale taratan ayay u galaan arintaas taasoo laga soo xareeyo faa'idooyin lacag oo aan la khiyaali karin.
marka ka hortagga waa wax fiican in aqoon xanuunada sidaan oo kalane loo yeesho waa muhiim si uu qofka u ogaado waxa uu filan karo iyo rajada wax qabasho inta ay la egtahay.

Akhriso Cudurka Ebola: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,487.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66439
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69383
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62381
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46528
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44763
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc