Waa maxay Cirradu?Cirradu waa tinta oo midabkii ka tago, waxaana afka ingiriiska lagu dhahaa "achromotrichia", waa arrin si dabiici loo arko markii la duqoobo, laakiin qasab ma ahan in aad duq noqoto si ay cirro kaaga soo baxdo, midabka tinta oo isbadalo waxay ku xiran tahay caafimaadka qofka, isirkiisa, xanuunda qofka ku dhaco, hormoonada iyo welwelka ama diiqada.
Maxay cirrada u timaadaa?Marka hore uu eebe abuurayo tinta way caddahay, waxaa midabeeyo unugyada u qaabilsan midabaynta jirka iyo tinta oo loo yaqaano "melanin", kuwaasoo sidii eebe ugu tala galay u yeelo tinta midabkii uu qofka ka soo jeeday, haddii madow ahayd, haddii ay gaduud ahayd iyo haddii midab kale ay ahayd.
Waxay unugyadaas midabaynta bilaabaan inta uu cunuga ku jiro uurka hooyadiis, howsha unugyadaasne way sii yaraadaan markii la sii duqoobaba, waxaa la sheegaa boqolkiiba 10% ilaa 20% in howsha unugyadaan ay yaraadaan markii 30 sano la dhaafo.
Ilaa iyo hadda lama ogo sababta ay unugyadaas shaqo u yareeyaan markii la duqoobo, sidaas awgeed waxay cilmibaarayaasha ku macneeyeen markii ay fahmi waayeen in unguyadaas ay ku xiran tahay wax sidii saacadii oo kale oo kontaroolayo waxayna u bixiyeen "melanogenic clock"
Maxaa qofka isagoo aanan duqoobin cirro u yeeshaa?Tinta oo cirrowdo marka uu qofka ka yar yahay afartan sano waxaa loo yaqaanaa "cirro dhicis", waxayna marka hore ku xiran tahay hidda wadaha qofka iyo u nuglaanta in tintu cirrowdo, laakii nwaxaa ka qeyb qaato dhowr waxyaabood oo lagu kala sheego sidatan:
- Fitaamin yarida khaasatan fitamiinka loo yaqaano "B12", waa fitamiin muhiim u ah jirka waxaana laga helaa cunnooyin badan, akhriso fitamiinnada kala duwan faa'idooyinkooda iyo cunnooyinka laga kala helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
- Dhacsanaanta qanjirka thyroid-ka taasoo tilmaamaysa in hormoonka uu jirka ku yar yahay, waana xanuun ku badan dumarka soomaaliyeed, halkaan ka akhriso isagane: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html
- Balwadda: isticmaalka iyo kuwa walfidda waxyaabaha aan caafimaadka u fiicneyn sida sigaar cabista, khamri cabista, waxaa la arkay in cirro dhicis ay keento, akhriso dhibaatooyinka cabista sigaarka laga dhaxlo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.0.html
- Cunnada aanan isku dheelli tirneyn iyadane waxaa lala xiriiryaa cirrada, akhriso waxa laga wado cuno isku dheelli tiran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html
- Cabitaanka biyaha oo yar iyadane waxay soo dadajisaa cirrada, ka akhriso halkaan faa'idooyinka laga helo cabitaanka biyaha:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html
- Dhaawac nafsaani oo kadis ah waxay keentaa cirrada sida in qofka xaalad furriin uu galo, tijaaradiisii ay ka lunto ama caruur ay ka dhintaan iyo wax kasta oo keeno isku buuqa iyo isla hadalka, akhriso xanuunkaan isla-hadalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html
- Isu-dheellitirnaanta hormoonada iyadane waxay keentaa cirrada, khaasatan dadka qaato hormoonada kaniiniyada ah ama u qaato jimicsiga gym-ka waxay soo dadajisaa cirrada, akhriso dhibaatada daawooyinka Gym-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3797.0.html
- Cudurka baraska isagane tinta wuu cadeeyaa sida uu maqaarka u cadeeyo, sababta ka ogow qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2505.0.html
- Dhiig yarida waxay keentaa cirrada, akhriso qoraal ku saabsan dhiigyarida iyo cunnooyinka lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html
- Stress-ka waa cillada ugu badan ee cirrada ka soo saarto qofka, waa arrin xaqiiqo ahaan loogu arkay dhowr cilmibaaris oo la sameeyay, ilaahayna quraankiisa wuu ku sheegay maalinta qiyaamaha, dhibka ka jiro awgiis in ay caruurto ku cirroobyaan, akhriso qoraal ku saabsan "stress"-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html
Su'aalo badanaa la is waydiiyo oo cirrada ku saabsan1- Ma laga yaabaa in hal habeen ay tintu ku cirrowdo?: maya weli ma dhicin arrintaan.
2- Haddii tinta cirrada ah aan siibo malaga yaabaa badalkeeda in tin madow ka soo baxdo?: Maya, haddii ay cirro bilaabato siisiib kaagama harto!.
3- Maxaan sameeyaa haddaan cirro isku arko?: Ha welwelin, waa arrin alle kuu qadaray, hana ka xishoonin in tinta ay cirrowday.
Talada SomaliDoc:- Badso cabitaanka biyaha dabiiciga ah
- Iska ilaali kana fogow welwelka iyo fakarka badan
- Ku dadaal cunista qudaarta iyo faakihada dabiiciga ah
- Tinta ugu dadaal saliidaha dabiiciga ah.
- Badso maadada "Iodine" oo lag sameeyo hormoonka thyroid-ka, waxaana laga helaa kalluunka, ku dadaal in jadwalkaaga usbuuclaha ee cuntada inuusan ka maqnayn kalluun.
- Jooji cabista sigaarka iyo mukhaadaraatka kale.
Akhriso Bidaarta aan Dhaxalka ahayn: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com