Hadduu xanuunka lugta aad ka dareemayso uu yahay mid ku qabanayo waqtiga caadada, xilliga uurka iyo xilliyada jawigu qabaw yahay, waxaad u baahan tahay in aad akhrisatid qoraal aan kaga hadlay arrintaas oo ah cillad xiriir la he neerfaha sinta laguna qaldo xanuunada roomaatiisamka iyo riixa:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.htmlLaakiin haddii aad xanuunka dareemaysid waqtiga caadada kaliya oo waqtiyada kale uusan ku qaban, waxaa keeni karo dhowr cilladood ee si dagan u akhriso faahfaahinta hoose.
Xilliga caada waxay haweenku la kulmaan xanuuno kala duwan oo jirka laga dareemo sida majiir ubucda ah, haweenkaas qaar ka mid ah waxay la kulmaan lug xanuunkaan taasoo ku badan haweenka leh sifaatkaan inkastoo haweenka oo idil ay dareemi karaan:
- Haweenka ka yar da'da 30 sano
- Haweenka caadada leh in ka badan 5 maalin, kuwaasoo dhiiga ku lumiyo maadada bootaasiyamka iyo magnesium-ka oo haddii ay jirka ay ku yaraato la dareemo xanuunkaan.
- Haweenka caadada u bilaabantay xilli hore
- Haweenka cayilan ama buuran
- Haweenka aanan horay u dhalin
Maxaa keeno lug xanuunka xilliga caadada?Waxaa la aamisan yahay inuu xanuunkaan keeno maaddo jirka bini'aadanka ku jirto oo loo yaqaano "Prostaglandin", waxay maadadaan howsheedu tahay in minka uu soo aruuro xilliga caadada si dhiiga u soo baxo, sidaas darteed ayaana xanuunka caloosha qeybta hoose iyo dhinaca lugta ah loo dareemaa, haddii aad horay u qabtay xanuunka neerfaha sinta ku dhaca ee aan kor ku tilmaamay wuu kugu soo kici karaa.
Maadadaan inta jirka lagu soo daayo way ku kala badan yihiin haweenka, wayna u kala nugul yihiin, waana sababta qaar ay ugu xanuunsadaan, qaarka kalane aysan waxba ku dareemin, haweenka qaar waxaa lug xanuunka ula socdo shuban, matag ama lalabo.
Nuuca sadaxaad ee lug xanuunka la dareemo xilliga caadada waxaa keeno arrimahaan hoos ku qoran:
1- Fiixda ama burada ka soo baxdo ugxan sidaha, akhriso waxa ay tahay cilladaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html2- Xanuunka loo yaqaano "Endometriosis" ka akhriso halkaan waxa xanuunkaan uu yahay:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html3- Infekshanka minka ama tubooyinka ku dhaco, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.htmlSidee xanuunkaan loo yareeyaa ama loola tacaalaa?- Sida kor aan ku soo sheegnay, jirka oo ay ku yaraadaan maadada "Potassium-ka" iyo "Magnesium-ka" waxy ka qeyb qaadataa xanuunkaan laga dareemo lugta xilliga caadada, sidaas darteed waxaa haweenka lagula taliyaa in ay ku dadaalaan cunista mooska/muuska iyo faahikada loo yaqaano "Avocado" maadaama labadoodaba laga helo potassium iyo magnesium ku filan jirka bini'aadanka, haddii aad isku heli kartid labadoodaba, cabitaan ahaan ayaad iskugu darsan kartaa.
- Haddii aad horay u qabtay xanuunka neerfaha sinta ku dhaco, waxaad kaga hortagi kartaa lug xanuunkaan inuu ku qabto xilliga caadada adigoo qaata fitamiinnada neerfaha u roon ee kala ah Vitamin B1, B6 & B12, taasoo iyadoo hal kaniini isku ah la heli karo.
- Lug xanuunka ka dhasho badashada hormoonka "Prostaglandins" waxaa looga hortagi karaa qaab dabiici ah adigoo raaca talooyinka ku xusan qoraalkaan, maadaama uu keeno dhabar xanuun, mindhicirro xanuun, naaso xanuun iyo kacsanaan niyadda ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
Si loo kala ogaado nuuca ay tahay lug xanuunkaaga iyo waxa keenay waxaa loo baahan yahay in warbixin dheeraad ah lagaa waydiiyo cabashadaada si loo kala sooco cilladaha kor ku xusan, kadibne talo dheeraad ah laguu siiyo, wixii faahfaahin dheeraad ah igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook:
https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Akhriso Qoraallo Xiriir la leh:
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com