Waa arrin jirta, waxaana xaaladaan loo yaqaanaa "Placental Insufficiency", waa mandheerta oo aan u gudbinayn nafaqada uurjiifka u baahan yahay sidii loogu tala galay, taasi waxay keentaa in uurjiifka uu kori waayo, in laga dareemo in dhaqasku dhibayo ama wadna garaaciisu uusan dabiici ahayn iyo in foosho hadhow ku dhibaatootid oo cunuga u adkaysan waayo soo saarista.
Maxaa keeno Howlgabk mandheerta?Waxay mandheertu ku howl gabi kartaa dhowr xaaladood oo kala ah:
- Sokorowga uurka
- Xilliga foosha oo la dhaafo
- Dhiig-karka uurka
- Cillad xinjiroobis dhiig, tan oo dhiiga ku xiraysa xididada yaryar ee mandheerta.
- Sigaar cabista
- Isticmaalka mukhadaraatka sida Cocaine-ka
- Daawooyinka qaar.
- In mandheerta ay abuuranto qaab aan dabiici ahayn
- Haddii cunugu uu wayn yahay oo uusan dhiiga ku filnayn ama hooyadu ay siddo mataano
- Mandheerta oo si aan sax ahayn ugu dhegto uurjiifka, uuna ka faa'idaysan karin
- Xanuunka malaariyada, tanoo ka timaado in unugyada cascas ee malaariyada heshay in ay isku xannibaan xidida mandheerta.
Hooyadu waxba ma dareento markii ay xaaladdaa jirto, dhakhtarka ayaa arko markii ultrasound hooyada la saaro oo la fiiriyo korriinka uurjiifka.
Sidee loo xalliyaa arrintaan?Go'aan ka gaarista xaalada hooyada waxay ku xiran tahay baaritaanka waxa ka soo baxay, xaalada uurjiifka uu ku sugan yahay, xilliga uurka ay marayso hooyada iyo haddii ay jiraan cilaldo kale sida dhiig-kar ama macaan.
Waa la sameeyaa sida ay hadda dhakhaatiirta sameeyeen haddii loo arko in cunuga uusan xaaladaas ku sii noolaan karin ama ku kori karin.
marmarka qaarne waa la sugaa haddii uurkaagu uu dhaafay 37 usbuuc, uurjiifkane aysan ka muuqan dhibaato xoog leh.
Sidee looga hortagaa arrintaan?Waa in ay hooyadu heshaa cunno nafaqo leh.
Waa in hooyadu dhiigkarkeedai yo sonkorowgeeda la kontaroolaa
Waa in ay hooyadu joojisaa sigaar cabista iyo mukhadaartka.
Waa in ay hooyadu joojisaa haddii ay qaadato daawooyin dhibkaan keeni karo.
Haddii intaasba aysan jirin waa sida aan ka filaayo xaalaada, cilladaane ay soo laabatay hal mar ka badan, waa in hooyada lagu sameeyaa baaris cillad xinjiroobis oo ay is arkaan dhakhtar "hematologist" ah maadaama ay jiraan xanuuno keeno arrintaan, waxaana ka mid ah xanuun aan horay uga hadalnay oo loo yaqaano "Antiphospholipid syndrome" oo haweenka soomaalida uurka ka dilo, warbixin badane loo haynin, Akhriso waxa uu yahay xanuunkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1897.0.htmlWay dhacdaa marmarka qaar in dhakhaatiirtu ay garan waayaan cillada dhabta ah waxa ay tahay, waxaa kaloo suura gala ah in safiican loo baari waayo arrintaan haddii aad ku nooshahay meel aan laga helin baaritaannadan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com