Author Topic: Su'aal: Hilibka geela oo la shiilay (oodkac)?  (Read 9102 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hilibka geela oo la shiilay (oodkac)?
« on: February 18, 2016, 08:43:29 AM »
Assalamu Caleykum!

Dadka Soomaalidu waxay isku daweyn jireen markey jiradaan, dabka, dhirta iyo suunta xoolaha iyo xayawaanka hadey ahaan laheyd, (hilibkooda, caanahooda iyo maqaarkooda). Su'aasheydu waxa ay tahay, hilibka geela oo la shiilay (oodkac) maka qeyb qaataa in qofka markuu jabo lagu kabo oo lagu baaniyo. Waad mahadsantihin SomaaliDoctors.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hilibka geela oo la shiilay (oodkac)?
« Reply #1 on: February 20, 2016, 01:56:15 PM »
Hilibka iyo caanaha geela waxaa ka buuxo protein u fiican lafaha, waana la badsadaa markuu qofka jabo, akhriso qoraal aan uga hadlay cunnooyinka dadajiso kabniinka lafaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Hilibka geela oo la shiilay (oodkac)?
« Reply #2 on: February 23, 2016, 09:18:05 AM »
Aad ayaad ugu mahadasan thiin jawaabta aad iga siiseen, lkn waxan doonayaa in la ii tilmaamo dhibaatooyin  maleeyahay hilib geela haddii hal neef oo geela lashiilo oo hal qof u isticmaalo. Tusaale markii qof jabo waxa loo qalaa neef geela oo buuran kadib waa la ood kacaa wuxuuna cunaa qofkaas mudo sanad ku dhow. Suaashu wxy yahay dhib ma u keenayaa hilibkaas tirada badan oo la cunaayo. Waad mahadsantihiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hilibka geela oo la shiilay (oodkac)?
« Reply #3 on: March 01, 2016, 12:37:21 PM »
Hilibka haddii si xadaysan loo cuno wax dhibaato ah ma keeno, laakiin haddii la iska badiyo wuxuu dadka qaar u keenaa xanuun loo yaqaano "Gout" xanuunkaan wuxuu ka dhashaa borotiinka badan ee hilibka laga helo oo jirka fadhiisto khaasatan lafaha kuwa suulasha cagta.
Waa nooc ka mid ah xanuunka lafaha, waxaana xanuunkaan loo aqoon jiray "Cudurkii boqorrada" maadaama boqorradu ay ahaayeen dadka heli jiray hilib saa u badan in ay cunaan, hilibka wuu u fiican yahay korriinka iyo kabsashada lafaha laakiin in xadka la dhaafyio ma fiicno, jirka bini'aadanka wuxuu u baahan yahay wixii ka badan, jirka ayuu ku keydiyaa sidaa ayuu dhibka ku yimaadaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Hilibka ariga wax dhan waslad waan ku xanuun sadaa?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6625
Last post March 02, 2016, 01:48:11 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: FAA IIDADA AMA KHASAARAHA UU SUBAGGA IYO HILIBKA QUBADA LEEYIHIIN?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 39535
Last post May 14, 2011, 10:49:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 17396
Last post November 22, 2011, 04:35:50 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keena hilibka ka sareeya cidiyaha oo dildilaaca?

Started by BoqorkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5778
Last post April 04, 2016, 01:23:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Subaga iyo hilibka libaax badeedka (indho buur)

Started by AbucabdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5145
Last post April 24, 2016, 02:51:59 PM
by SomaliDoc