Author Topic: Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay  (Read 49958 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Baasaale1515

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay
« on: February 21, 2016, 08:07:51 AM »
Asc, waxan  rabaa inan ogaado Shaaxa iyo Liinta la isku daro caafimaad ahaan waxa laga faaido caafimaad ahaan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4706
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay
« Reply #1 on: February 28, 2016, 01:22:08 PM »


Waxaan kaga hadlayaa jawaabtaan sababta liin dhanaanta loogu darsado shaaha iyo faa'idada ay ku siyaadiso, horay waxaan uga hadalnay shaaha, noocyadiisa iyo faa'idooyinkiisa caafimaad ee halkaan ka daalaco: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html

Maadaama badanaa shaahu uusan lahayn wax nafaqo tamar leh oo qofka miisaan ku kordhiyo waxaa lagu daraa sokor iyo caano, kuwaas oo qofka siiyo tamar nafaqo leh "calories", sidaas darteed shaaha kaligiis hadduu qof joogteeyo kuma cayilo, laakiin hadduu sokor iyo caano ku darsado wuu ku cayilaa, waana meesha ay ka timid fikradda ah in hooyada umusha ah loogu dadaalo shaah caano leh!.

Hadduu qofka uusan rabin sokor iyo caano inuu shaaha ku cabo, uuna rabo in shaahane uu faa'ido nafaqeed ka helo, waxaa lagu taliyaa in lagu daro liin dhanaan, sababtoo ah liin dhanaantu waxay kobcisaa oo siyaadisaa faa'idooyinka kale ee laga dhaxlo shaaha kuwaas oo ah awood sunsaarista "Anti-oxidant", tan oo jirka ku caawiso siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin, waxyaabahaan oo halis ku ah caafimaadka wadnaha iyo dadka qabo macaanka.

Liinta waxaa kaloo ka buuxo macdan iyo fitamiin kuwaas oo ay ka mid tahay folate, bootaasiyam, magnesiyam iyo fitamiinka loo yaqaano "thiamine", marka waxaa la ogaaday haddii liinta lagu daro shaaha, faa'idooyinkaas way sii bataan markii liinta iyo shaaha isla falgalaan, waana sababta loogu taliyo in shaaha iyo liinta la isku daro, wuxuuna aad u sii fiican yahay hadduu shaaha sokor iyo caano lahayn.

Waxaa jirto diraasad la sameeyay oo lagu ogaaday markii shaaheena caadiga ah lagu daro liin dhanaanta in faa'idada laga helayo ay u dhaw dahay faa'idada shaaha cagaaran, marka haddii aadan heli karin shaaha cagaaran, ku darso liin dhanaan shaaheena gaduudan, akhriso qoraal aan uga hadalnay faa'idooyinka shaaha cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6210.0.html

Waxay kaloo diraaso lagu sameeyay dalka jarmalka lagu ogaaday in caanaha ku jiraan walxo loo yaqaano "caseins" kuwaanoo hoos u dhiga awoodda sunsaarita "anti-oxidants" e laga helo shaaha, marka inta caano lagu darsan lahaa, halagu badalo liin dhanaan taasoo awoodda shaaha sii laba jibaarayso.

Dadka aadka u jecel cabista shaaha, oo hadane raba inay miisaan ridaan ama sokor qaba waxaa lagula taliyaa in sokorta badalkeeda shaaha lagu darsado liin dhanaanta, maadaama eebe ku abuuray liinta sokor dabiici ah oo macaanka waxba u dhibaynin, laguna cayilaynin.!!

Sidaas darteed haddii aad ka mid tahay dadka liinta ku darsado shaaha, maanta wixii ka dambeeyo macno gooni ah hakuu yeelato, inkastoo dad badan oo dabci u tahay laakiin aan fahansanayn faa'idadaas inay jiro, dadkaasne hala la wadaago qoraalkaan si ay ugu sii dadaalaan dabcigaas wanaagsan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 81850
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47107
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 21551
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 42163
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 23038
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca