Author Topic: Su'aal: Aad bay u hadal badan tahy da'deduna waa 40?  (Read 6524 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cayuush Omer

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Su'aal: Aad bay u hadal badan tahy da'deduna waa 40?
« on: February 23, 2016, 07:55:25 AM »
asc wraxmah suaal( ad bay u hadal badan tahy da'dedu waa 40 melaha mar mar way qaylinaysa sida inay qof ka cararyso o kale waxan uga shakiyay inu hayo xanuunka MANIA (.muxuu yahy xanuunkan? maxase dawo u ah) maxad talo iga siin lahydeen ama an ula tacaali kara qof nocan ah)
mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Aad bay u hadal badan tahy da'deduna waa 40?
« Reply #1 on: March 01, 2016, 03:43:46 PM »


Mania waa xanuun dhimir, waxaana astaan u ah kacsanaan xad walli ah, taasoo qofka jir iyo maskax ahaan u kacsan yahay.

  • Wuxuu u egyahay qofka inuu aad u faraxsan yahay, taasoo qofka si dhakhso ah iskugu badali karo caro iyo xanaaq.
  • Hadal badan oo boobsiis ah, taasoo marba mawduuc u boodo qofka isagoo hadalkiisa uusan xiriir isla lahayn
  • Hurdo yari iyo cunno badni.
  • Kacsi badni, xishood yari oo qofka u horseedi karto inuu sameeyo galmo taxaddar lahayn.
  • Dhaqdhaqaaq iyo socod badan iyo deyn qaadasho badan iyo lacag lumis.
  • Qab weyni iyo cabsi shakki ka dhalato


Qofka wuxuu lahaan karaa cudurkaan laakiin isagoo aysan gaarin heerka aan kor ku soo tilmaamay, waxaana loo yaqaanaa "hypomania", wuxuu qofka lahaan karaa astaanta aan kor ku soo xusay laakiin ka daga qofkaas.

Xanuunkaan waxaa la soco karo marmarka qaar murugo iyo niyad jab kaasoo lagu magacaabo "Biopolar mood disorder", tan oo macnaheeda ah in qofka uu marne kacsan yahay marne dansan yahay (faraxsanaan iyo murugo isku dhex qasan), waana cillad ka dhib badan xanuunka Mania-ha kaligiis markii la daawaynayo, halkaan ka akhriso "mania-depression" ama "Biplar disorder": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3855.0.html

Xanuunkaan waa in lagala kaashadaa dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka, wuxuu u baahanayaa qofka in daawo lagu billaabo, waa xanuun qofka ku daahi karo, waana muhiim in si joogto ah loola xiriiro dhakhtarka.

Waa maxay Depression?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html
Waa maxay Schizophrenia?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16630
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21870
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16106
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 79537
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 49079
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc