Author Topic: Su'aal: Xilliga uurka iyo Haweenayda Shaqayso?  (Read 15306 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xilliga uurka iyo Haweenayda Shaqayso?
« on: February 24, 2016, 11:42:14 AM »
ASALAAMU ALEIKUM WARAHMATULAHI WABARAKATUHU, Doctar aad baan idinkaga mahadcelinayaa howsha culus ee aad isku xilsaarteen mahadcelin kadib doctor waxan qabaa sual oon rabo in la iga jaahil bixiyo ama macluumat dheer la iga siiyo, doctor sida aad ogtahay haweenkeena somaliyeed eee dagan wadamada shisheeya gaar ahan wadamada rer galbeed waxay u badanyihiin haween shaqaysto oo subixii guryahooda ka kalaha haweenayda uurka leh waxaa laga yabaa inkabadan 9 saac oo xiriir ah ay kursi kufadhido oo ay shaqaynayso, saacadahas faraha badan ee ay fadhido maxay dhibaato ah oo ay u geysan karaan uurjiifta ama ilamaha caloosha kujiro?

Mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xilliga uurka iyo Haweenayda Shaqayso?
« Reply #1 on: March 02, 2016, 01:36:03 PM »


Qoraalkeenu wuxuu ku saabsan talo iyo tusaale ku socdo hooyada uurka leh oo hadane shaqaysato.

Marka su'aashu waxay tahay: Sidee haweentu u shaqaysan kartaa iyadoo shaqadaas aysan saamayn ku yeelan nafteeda iyo uurjiifkeeda?

Inkastoo haweentu marka ay uur leedahay u baahan tahay in ay hesho nafaqo iyo nasiino ku filan caafimaadkeeda iyo korriimada uurjiifkeeda, laakiin waxaa jiro hooyooyin shaq u kallaha subax kasta oo ay dhici karto in ay caruur kale biil u raadiso.

Dhibaatooyinka ugu badan hooyadu waxay dareentaa 3-da bil ee ugu horrayso iyo 3-da bil ee ugu dambayso.

3-da bil ee ugu horrayso waxay hooyadu tacbaan la noqon kartaa wallaca, halkaan ka akhriso talooyin ku saabsan la tacaalidda wallaca: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html

Waxay hooyadu dareemi doontaa daal iyo tabardarri aysan horay u lahayn, tan in aad la yaabtid ma ahan maadaama jirkaagu uusan awood buuxda u lahayn inuu bixiyo tamartii aad horay u bixin jirtay inta aadan uur yeelay, waxaana hooyada lagula taliyaa in ay cunto cunnooyin ka buuxaan birta si dhiig yari aysan ugu dhicin, Akhriso cunnooyinka laga helo birta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html

Waa in aad qaadataa waqtiyo kooban oo nasasho ah, isku day in aad fadhiisato meel aan buuq lahayn, iftiinkuna ku yaryahay, kabaha iska siib, cagaha meel saaro haddii aad awoodid, arrintaan waxay ku siin doontaa awood dheeraad ah.

Ku dadaal cabista biyaha badan, maadaama cadaadiska dhiigaagu uu hoos u dhici karo markaa uurka leedahay oo aadna shaqaysatid.

Waa in aad heshaa inta u dahxayso 7 illaa 9 saacadood oo hurdo ah si aad subaxii u soo toostid adigoo firfircoon oo awood u leh shaqada aad u socoto, sidaa darted, hooyada shaqaysato waa in ay hurudaa waqti hore habeenkii, marka aad jiifanayso cajirradaada kala dhexyadooda barkin gasho, tani waxay ku siin doontaa hurdo aadan ka soo toosin.

Hooyada uurka leh waa in ay qofka u shaqeeso ogaysiisaa in ay uur leedahay markii ay ka gudubto sadax bil ee hore, si qofkaas ugu turo una ogaado in aad uur leedahay, haddii aad dalbatid nasiino ama fasax dheeraad ah, tan waxay kaa cawinaysaa in niyada ay kuu dagan tahay mar walba.

Iska ilaali fadhiga iyo istaaga badan, samay lugo baxsi iyo dhaqdhaqaaq, dhakhtarkaaga kala tasho meesha aad ka shaqaysid iyo howsha aad qabatid haddii ay saamayn ku leedahay caafimaadkaaga.

Waxaa hooyada lagula taliyaa in ay fasax qaadato markii bil ay ka dhimantahay foosheeda si ay isugu diyaariso xaaladda foosha, waana muhiim in aad dhakhtarkaaga uurka toos ula xiriiri jirtay uurka aad ku shaqaynaysay.

Haddii hooyada aysan iska taxadarin oo shaqadeeda kala habaysan, caafimaadkeedane aysan ka fakarin, shaqada waxay saamayn kartaa hooyada uurka leh caafimaad ahaan iyo uurjiifka oo korriinkiisa saamayn ku imaan karto, sida dhiigyarida, miis yarida, dhicisoobidda iyo xanuuno kalaba.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 76250
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40365
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21246
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26583
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33415
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle