Author Topic: Maxay hurdo kuu qabataa markaa wax akhrinaysid?  (Read 37190 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxay hurdo kuu qabataa markaa wax akhrinaysid?
« on: February 27, 2016, 12:31:10 AM »


Qoraalkaan waxaan kaga jawaabi doonaa "Muxuu qofka u hurdaa markuu wax akhriska billaabo?"

Waa cillad ay ka sheegtaan dad badan, waxayna ku timaadaa dhowr arrin oo badankeed khaladku leeyahay qofka wax akhrisanayo, bal marka hore aan ka hadalno sidey hurdada ku timaadaa markii wax la akhrinayo.

QOfka markuu wax akhrinayo, indhaha waxay hayaan shaqo muhiim ah iyagoo sadarrada wax ku qoran indhaha marba dhinac ula raacraaco, tan waxay keenaysaa in maskaxduna ay wixii la akhriyaba isla markii ay macno u yeesho oo ay tarjunto, hadduu qofka sidaa ku wadan dhowr daqiiqood, indhuhu way daallaan oo maskaxdu waxay faraysaa si indhuhu u nastaan in la isku qabto, halkaan ayuuna qofka hurdo ku galaa, khaasatan hadduu qofka uu daallan yahay ama sariir wax ku dul akhrinayo.

Waa maxay khaladaadka la sameeyo oo hurdada soo dadajiyo markii wax la akhrinayo?
  • Hurdo xumada: qofka aanan helin hurdo ku filan ama dhafarkiisu uu badan yahay, badanaa wuu ku dhex hurdaa wax akhriska iyo markastuu meel lagu hurdi karo salka dhigo.
  • Jimicsi la'aanta: hadduu qofka noloshiisa u badan tahay nasiinno, jimicsi la'aan iyo firfircooni, akhrisku dhib ayuu ku yahay, si dhakhso ah ayuu u hurdaa.
  • Indho-daalka: hadduu qofka indhihiisa ku daalliyo waxyaabo kale sida daawashada TV-ga iyo isticmaalka Computer-ka, indhuhu awood uma lahaan karaan in wax la akhriyo, taasina waxay keenaysaa in la hurdo. Akhriso qoraal ku saabsan indho-daalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3150.0.html
  • Xilliga wax la akhrinayo: Dadka badanaa ku dhex hurdo wax akhriska, waxay wax akhriyaan xilliyo aan munaasib ahayn sida xilliyada hurdada, duhurkii ama habeenkii.
  • Meesha wax lagu akhrinayo: Waxay ka qeyb qaadataa in aad hurudo hurdo aadan ku tala galin, dad baa jecel in ay jiif wax ku akhriyaan ama sariir dusheed ama kuraaska qolalka fadhiga la dhigo, ka fogow meelaha hurdada si dhakhso ah kaaga imaan karto.

Sidee looga fogaadaa hurdada xilliga wax akhrinta?
  • Hel hurdo kugu filan, iskana ilaali dhafarka, akhriso cilladaha laga dhaxlo dhafarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html
  • Noqo qof firfircoon oo dhaqdhaqaaq sameeyo nolol maalmeedkiisa, ha noqon qof raaxada jecel si aadan u caajisin markaa howl qabanaysid
  • Isku day in aad wax akhrisid xilliayda aad firfircoon tahay khaastan markaa hurdada ka soo kacdid oo maskaxdaadu u sahlan tahay in ay wax qabato sida salaadda subax kadib iyo hurdada duhurkii kadib
  • Ha ku akhrin meel aan wax akhris loogu tala galin, isticmaalka kuraasta iyo miiska wax akhrinta, hana wax ku dhex akhrin qol iftiinkiisu uu yar yahay.
  • Xoogaa markaa wax akhriso socsoco, oo ka bax qolka aad wax ku akhrinaysid si aad ugu soo laabatid wax akhrinta adigoo firfircoon.
  • Markaa wax akhrinaysid isku day in aad ku dhex wadid wax qorista, tan waxay yaraynaysaa in aad hurudid.
  • Haddii adigoo intaa sameeyay aad hurdo iska celi la'dahay, isticmaal xanjo markaa wax akhrinaysid, tan waxay yaraynaysaa jaaniska in aad hurudo adigoo xanjo ruugayo.

Haddii ay jirto talo dheeraad ah oo aad tijaabisay oo wax kuu tartay nala wadaag.
Akhriso qoraal ku saabsan Hurdo Cuslaanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4151.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 68926
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 72111
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64918
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 49402
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47330
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc