Author Topic: Caruurta Suulka Nuuga (Jaqa)  (Read 26036 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Saado Ilkacase

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Caruurta Suulka Nuuga (Jaqa)
« on: February 28, 2016, 02:17:19 PM »
Assalaamu Calaykum
Dr. su'aasheydu waxay tahay: Ilmaha yar ee Suulka Nuuga xilliga la nuujinayo ma jiraan wax looga jari karo caadadaas?
F.G mararka qaar(habeen) waxaa dhacda inuu suulka kaga mashquulo Naaska oo sidaa uu ku dayacmo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Caruurta Suulka Nuuga (Jaqa)
« Reply #1 on: March 06, 2016, 01:40:14 PM »


Suul nuugista waa caado ku badan caruurta, waalidkuna ay ku hayso welwel badan.

Maxay caruurtu u nuugaan suulka?
Caruurta markay yaryihiin ilaahay ayaa ku abuuray fel-celin nuugis, maadaama nuugista ay ku tiirsan tahay noloshooda si ay naaska u jaqaan, sidaas darteed waxay keentaa arrintaan in ay farahooda nuugaan ama jaqaan.
Maadaama naaska uu ilmaha siiyo daganaansho, farxad iyo cabsida oo ka yaraato, waxay ilmaha ku badashaan suulka markii ay gaajoodaan, hurdo ay hayso ama ay kacsan yihiin.
Haddii ilmuhu ku waynaadaan dabcigaas waxaa dhib noqdo in si sahlan looga gooyo.

Goormaa la rabaa in cunuga uu joojiyo suul nuugista?
Caruurta badanaa waxay ku joojiyaan da'da 2 sano illaa 4 sano inta u dhaxayso, haddii intaa kadib sii nuugaan, waxay badanaa ka go'aan markii iskuulka la geeyo cadaadis uga yimaado caruurta facood ah darteed.
Ogow waxaa dhici karta in cunuga hadduu joojiyo suul nuugista, uu ku laaban karo markuu welwelsan yahay ama cabsi hayso.

Goorma ayay waalidku la rabaa in ay wax ka qabtaan arrintaan?
Badanaa waxay dhakhaatiirtu sheegaan in suul-nuugista aysan dhib keenin illaa markii ilkaha joogtada ah soo baxaan mooyee, maxaayeelay ilkaha joogtada ah markii ay soo baxayaan, suulka la nuugayo wuxuu qalloociyaa ilkaha ama isdulsaaraa, sidaas darteed markuu cunuga gaaro 5 sano, waa in waalidku ka joojiyaa suul-nuugista.

Sidee looga gooyaa caruurta suul-nuugista?
Fadlan raac talooyinkaan hoose si raaxo leh ayuu cunugaaga suulka uga go'i doonaa:
  • Isku day in aad marka hore ka dhaadhicisid cunugaaga inuusan suulka ku nuugin meel bulsho ah oo aad ka aamusto markuu sariiritiisa ku dul nuugayo marka aa billaabayso ka goynta suul-nuugista.
  • Dagaal hala galin cunugaaga oo haku qasbin inuu suul-nuugista joojiyo, badanaa waxaa dhacda inuu ku shii adkaysto, isku day in aad faaniso ama qadariso markii aad aragtid isagoo aan suul nuugaynin, maadaama caruurtu jecel yihiin markii waalidku uu faaninayo iyagaa si aayar ah u joojin doono ama ku dadaali doono si ay waalidkooda u arkaan iyagoo amaanayo
  • Uga sheekeey cunugaaga in suul-nuugistu aysan fiicnayn, caruurta in ay weynaadeene waxaa lagu ogaadaa in ay suulka-nuugista ay joojiyaan, maadaama caruurtu ay jecelyihiin in la dhaho waa waynaatay ama hebel ayaa la ekaan rabtaa laakiin suulka ha nuugin, wuxuu isku dayaa intuu awoodo inuu caadadaas joojiyo iyadoo aan lagu qasbin.
  • Hadduu cunuga xanuunsan yahay ama wax dhibsado, hadduu bilaabo inuu suulka-nuugo ha ku qasbin inuu joojiyo, ka aamus xaaladahaas oo kale, maxaayeelay wuxuu rabaa inuu suul-nuugista isku sasabo ama isku dajiyo, laakiin haddii aad ku qasabtid inuu joojiyo, waad sii dhibaataynaysaa, suul-nuugistane wuu la dhuumanayaa.
  • Haddii aad aragtid in cunugaaga suul nuugayo, waa muhiim in aad xasuusiso inuu suul nuugayo, waydii inuu dareensan yahay inuu suulka nuugayo, tan waxay siyaadisaa ka warqabista xilliyada uu suulka nuugayo, sidaasne waxaa u sahlanaanayso inuu joojiyo.
  • Ilmaha ha u marin suulka waxyaabo qaraar ama kuleel ah sida basbaaska, tani waa xaasidnimo oo waxaa laga yaabaa inuu ka qaado dhibaatooyin nafsaani ah, waxayna dhakhaatiirta ku tilmaamaan arrintaan sidii in cunuga isagoo ku dul taagan salli aad xooga uga hoos siibtay, cunuga wuxuu ka war helayaa isagoo dhulka ku dhacay, laakiin ma ogaan karo sababta salliga looga hoos bixiyay!!!.
  • Waxaa jiro waaalidiin ilmaha suulka ka xiro ama gacanta ka daboolo si uusan cunuga suulka u jaqin, tan waa arrin la isku khilaafsan yahay, qaar waxay dhahaan arrintaan waxay wax tartaa markii uu cunugu rabo inuu suulka iska gooyo, laakiin uusan ka warhaynin xilliyada uu nuugayo, laakiin haddii uu cunuga afar sano ka yar yahay, waxba gacanta haka xirin, isagaa si dabiici ah uga go'i doono.
  • Caruurta badanaa suul nuugista ku daaho waa caruur ay ka maqantahay xanaanka ama daryeelka hooyo, khaasatan markii ay hooyada ka mashquulsan tahay cunugeeda ama uga tagayso qof aana buuxin karin booskeeda, sidaas daraateed inta aysan hooyada isku dayin in cunuga suul nuugista ka goyso, waa inay cunugeeda waqti u heshaa oo kalsooni ku abuurtaa.
  • Hadduu cunuga uu ka wayn yahay 8 sano, waalidkuna uu ku wareeray qaabkii uu uga joojin lahaa suul-nuugista waa inuu kala kaashadaa qof ku takhasusay cilmi nafsiga caruurta.

Akhriso qoraal ku saabsan sida loo joojiyo dhareerka caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6021.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan caruurta lugta laga xidho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4049.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 24123
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 34836
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11085
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 24655
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14548
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc