Qoraalkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay xanuunka disantariyada "Dysentery" oo soomaalidu ka aamisan tahay qaladaada badan.
Waa maxay Dysentrey?Waa caabuq ku dhaca mindhicirrada oo keeno shuban leh axalo iyo dhiig, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa calool majiir, lalabo iyo matag, qandho siyaado ah oo ka badan 38C dadka waawayn, 37.5C caruurta.
Maxaa keeno Dysyntery?Waxaa jirto laba nooc oo disantariyo ah, wixii ka soo haro ma ahan disantiriyo, maxaayeelay dad badan ayaa aaminsa dhiig lagu arko saxarada inay disantariyo tahay, taasi sax ma ahan, waxaa la dhihi karaa qofka disantariyo ayaa hayso markii saxarada lagu arko mid ka mid ah labada sabab ee keeno ama qofka uu yeesho astaamaha kor ku qoran.
- Disantariyada bakteeriyada "Bacillary Dysentery" ama loo yaqaano "Shigellosis", tan waxaa keento bakteeriyo.
- Disantariyada Ambeebaha "Amoebic Dysentery" ama loo yaqaano "Amoebiasis": kan waxaa keeno bahalka ay soomaalidu u taqaano ambebaha "Amoeba", waa dul-ku-noole ku badan dhulalka kuleelaha.
Ogow dysantirayadu waa xanuun ka yimaado jeermis ee ma ahan xanuun xiriir la leh cunno gooni ah sida qaraha aad tilmaantay.
Sidee looga hortagaa cudurka Dystentery?Labada nooc ee disantariyada ee kor ku xusan si sahlan ayaa la isku qaadsiin karaa, waxaana laga qaadaa saxarada qofka xanuunsan oo qofka kale afkiisa gaarto, waxaa muhiim u ah cudurkaan in nadaafadda lagu dadaalo, gacmaha saabuun la isaga dhaqo markii musqusha laga soo baxo, fadlan qof ha salaamin, cunno iyo cabitaan toona ha taaban haddii aad soo xaajo gudatid adigoo gacmaha saabuun iskaga soo dhaqin.
Haddii nadaafaddu ay aad u xun tahay, waxaa dhici karta in infekshanka uu gaaro biyaha la cabo sidaasne ay xanuunku ku qaadaan dad badan.
hadduu qof xanuunsan dharka iska halleeyo, fadlan gacmo gashi xiro, dharkane ku dhaq biyo qandac ah si jeermisku u dhinto.
Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?Badanaa qofka isagoo daawo qaadan ayuu jirka kaga takhallusaa jeermiska keeno cudurkaan, laakiin waa muhiim in qofka uu cabo biyo aad u badan si uu fuuqbaxa iskaga ilaaliyo iyo in biyuhu soo raaciyaan jeermiska markii la shubmayo.
Xanuunka iyo qandhada waxaa loo qaadan karaa paracetamolka.
Ka fogow in aad qaadato daawooyinka shubanka lagu joojiyo sida kaniinga loo yaqaano "Loperamide" maxaayeelya xaaladdu way ka sii dari kartaa.
Haddii xanuunka uu daran yahay, waa in aad dhakhtar aadaa si saxarada lagaaga baaro, kadibna lagu siiyo qallajiyeyaal "Antibiotic" lagula dagaallami karo jeermiska caabuqa keenay.
Daawada waxaa la qaataa badanaa 5 illaa 7 maalmood, haddii xaaladaadu ay aad u liidato isbitaalka ayaa lagu jiifin karaa.
Akhriso xanuunka Jaardalaambiyaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com