Author Topic: KABAHA DHAADHEER IYO CAAFIMAADKA  (Read 26944 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
KABAHA DHAADHEER IYO CAAFIMAADKA
« on: March 08, 2016, 06:37:56 PM »


Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa mawduuc muhiim u ah dumarka, wuxuuna ku saabsan yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasho xirashada kabaha cirbaha dhaadheer leh.

Qofka bini'aadanka wuxuu eebe u abuuray qaab isku dheellitiran, qeyb kasta oo jirka ka mid ah xagal iyo qaab miisaaman ayay xiriir ula leedahay qeybaha kale ee jirka, haddii miisaankaas la qaldo waxaa ka dhasho dhibaatooyin dhowr ah.

Xirashada kabaha dhaadheer waxaa cilmibaaris dhowr ah lagu arkay in ay dhibaato gaarsiiso 5 qeyb oo jirka ka mid ah, waxayna kala yihiin:
  • Cagta: cagta uu qofka ku istaago, waxaa la sheegaa in ay u samaysan tahay qaab "moollo" camal ah ama "spring", kaasoo culeyska jirka si sahlan ugu kala qaybiso qeybaha kale ee jirka, kullamaa qofka uu miisaankiisu kordho, kullamaa cagta howshaas ay hayso muhiimadeeda ay kororto, culeys kasta oo qofka fuulo, cagahu kama sheegtaan oo culeyskaas si sahlan ayay u xambaaraan illaa in qofkaas xanuun lafaha qabo mooyee, waxaana arrintaas caafimaad ahaan loo yaqaanaa "cushioning", hadduu qofka uu xirto kabo dhaadheer, waxuu culeyska iskugu tagaa cagta meesha faraha u dhaw, tan waxay keentaa lafahaas jilicsan iyo seedahaas inuu dhaawac gaaro oo qofka hadhow awooddii culeys dheellitirka cagta inay dhunto ama uuba yimaado tarar galo lafaha yaryar ee cagta.
    Kab walba intay ka dheer tahay tan kale, way ka dhib badan tahay, hadduu qofka caadaysto kabahaas, neerfaha cagta waxaa gaaro dhaawac keeni karo inuu qofka kontaroolka dhaqdhaqaaqa iyo dareenka lugta uu ka lumo.
  • Ciribta iyo Kubka: Markii qofka uu kabahaas gashan yahay, cagtu waxay u janjeersataa horay, tan waxay keentaa in murqaha kubka ay joogto u giigsanaadaan, tanne waxay keentaa in qulqulka dhiiga uu lugta ku yaraado, sidaas daraadeed hablaha joogtada u xirto kabaha dhaadheer, lugahoodu way ka dhuudhuuban yihiin hablaha kale, tanne waxay ka dhalatay dhiiga uu ku yaraaday lugaha, hadduu qofkaas dhaawac cagta ama agagaarka kubka uu ka gaaro, nabaradaas dhakhso uma raystaan sababtoo ah qulqulkii dhiiga ee qaadi lahaa nafaqada iyo daawada ayaa la howlgabiyay!!, hadduu qofka uu kabahaas u barto, hadhow si caadi ah uma socon karo, maadaama murqaha lugta ay la qabsadeen si khaldan inuu qofka u taagnaado una socdo, waxayna xaaladaha qaar keensataa in qofka qalliin lagu sameeyo si seedaha lugta loo dabciyo.
  • Jilbaha: Jilibka waa sida cagta oo kale, wuxuu jirka ka ilaaliyaa culeyska, wuxuuna ku caawiyaa in si dheelitirnaan ku jirto ugu qeybiyo, sidaas daraadeed hadduu qofka kabaha dhaadheer muddo isticmaalo, jilibka carjawdiisa iyo seedihiisa dhaawac ayaa gaaro, waxaana yimaado xanuun loo yaqaano "Osteoarthritis", ka akhriso halkaan waxa uu yahay xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
  • Sinaha: markuu qofka kabaha cirbaha dhaadheer uu gashan yahay, miskaha waxaa galo qallooc, tanoo sinaha horay u janjeeriso, dhabarkane uu xagal qalloocan yeesho, feerahane horay u soo baxaan, qallooca noocaas ah waxay adkeeyaan murqaha iyo seedaha sinaha, waxayna keenaan togtognaan xanuun leh haddii kabaha la'aantood la socdo, waxaa jirto cilmibaaris la sameeyay oo sheegayso haddii qallooc miskaha ku yimaado waxay u qaabaysiisaa kafka miskaha inuu yaraado tanoo dhib ku noqoto in haddii ay hooyada uur yeelato in ay foosha ku dhibaatooto.
  • Dhabarka: waa meesha ugu badan oo dhibka soo gaaro, lafdhabarta bin'aadanka waxay u qaabaysan tahay hab jirka u leh dhowr faa'idood, waxaa faa'idooyinkaas ka mid ah: xifdinta xangullaha ama neerfaha lafdhabarta dhex maro, sixidda qaab muuqaaleedka qofka, xambaarista culeyska feeraha iyo uurkujirta iyo faa'idooyin kale, waxaa hubaal ah in kabaha dhaadheer ay badalaan qaabkaas dabiiciga ah ee eebe ugu talagalay, sidaas daraadeed waxay keentaa dhibaatooyin aan la soo koobi karin, waxaa ugu caansan xanuunka loo yaqaano "Sciatica" oo aad ka akhrisan kartid halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
    Talo: Haddii aad dhabar xanuun ka sheeganaysid, kabahaaguna ay leeyihiin cirbo dhaadheer, jooji isticmaalkooda inta aadan baaris u aadin dhakhtarka.

Akhriso xanuunka Ciribta Fiiqa leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3429.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: