Author Topic: Su'aal: Aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB?  (Read 3560 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jamaac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB?
« on: March 14, 2016, 12:23:03 PM »
Mahad ilahay bey u sugnaatay
Ka bacdi waxaan u mahad naqayaa qofkii lahaa fikradan aas aaska
Bartan oo ah meelaha ugu faa iidada
Badan
Dhakhtar aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB da nooca ay tahay ma garanayo iyo meesha ay ku dhacday lakiin aniga xanuun keygu garabka midig baan ka cabanayey
Walina sidii baan uga cabanaya
Ka dib intii aan dawada qaatay ka bacdi kabaabyo ayaan dareemaya markasta iyo meel kastaba habeenkii ha u badnaato markaan seexdo waxaan soo kacaya gacmaha oo aad moodo inay bararan yihiin aadna ii kabaab yoonaya si tar tiib tatiiba ayey iga ba ay sa marka gacmaha iyo lugaha ka shaqay siiyo oo aan kaco
 Cilada labaad ee aan leeyahay
Waxa kala badan biyaha aan cabo iyo kaadida iga timaada hadii aan cabo 1 koob oo biyo ah waxaan kaa jaya 3 koob kaadidu halmar ayey igu soo boodeysa iyada oo aan dareemayo xanuun dhabarka dhankiisa hosena xanuun baan ka dareemaa yara qandho iyo xumad mararka qaara
Dhinaca cuntada aad baanu isugu fiicanahay oo ima hayso ooma teed xumo miisaan keyguna wax is dhimis ah kama dareemin

Xiliga aan dawada dhamaystay waa 2014




Offline Jamaac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB?
« Reply #1 on: March 14, 2016, 09:52:16 PM »
Waxa aan doonaya  inaan idinla wadaago oo aan qoraal keyga hore ka ilaaway in aan leeyahay oo sheybaad leyga qaaday uu sheegay

Uric acid
Cholesterol
Kuwaas oo hada ka horna hore leygu sheegay
Waxa kale oo aad iga caawisaan
Cuntooyinka ku fiican ee hoos u dhima

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB?
« Reply #2 on: March 26, 2016, 02:16:21 PM »
Daawooyinka loo qaato TB-da waxaa ka mid ah daawo loo yaqaano "Isoniazid" waxaa waxyeelladeeda ka mid ah inay kabaabyo ku reebto gacmaha, sidaa darteed dhakhaatiirtu waxay qofka la siiyaan daawo ka hortag ah oo loo yaqaano "Vitamin B6", haddii aadan daawadaas horay u qaadanin waa in aad qaadataa hadda, weliba sadax jeer maalintii lagu siiyaa si kabaabyadu u yaraato.

Kaadida aad tilmaantay oo badan iyo dahbarka oo ku xanuunayo waxay ka imaan kartaa infekshan kaadi mareenka ah ee ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadlay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
Waxaa kaloo keeni karo haddii Uric acid-ka aad tilmaantay uu aad u badan yahay, ma xasusuataa cabirka lagugu sheegay inta uu ahaa?

Uric acid-ka waxaa lagu dhibaa in aad yaraysid cunista hilibka badan maadaama proteinka nooc ka mid ah oo jirka ku bato inay keento, hilibka ku badalo kalluun ama digaag.
Midda ku saabsan Kolestaroolka waxaad iska ilaalisaa dufanka, baruurta iyo waxyaabaha cadiinta leh, kalluunka iyo digaaga dhib ma lahan, laakii digaaga ha shiilin, biyo ku kari, maraqeedane ha cabin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17533
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15121
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34614
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40803
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 88094
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!