Babaaygu waa faakiho aad u macaan, lagana helo wadamo kooban oo lagu qiyaaso tiradooda 17 wadan, kuwaasoo ku yaalo dhulalka kuleelaha.
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamadaas fara-ku-tiriska ah ee babaaygu ka baxo.
Geedka babaaygu wuxuu jirka u leeyahay faa'idooyin nafaqeed iyo mid caafimaad intaba, waxaana halkaan ku soo koobi doonnaa 10 waxtar caafimaad oo la xaqiijiyay:
- Kolestaroolka iyo Caafimaadka Wadnaha: Babaayga waxaa laga helaa waxyaabo ka ilaalin karo xididada jirka khaasatan kuwa wadnaha inay fadhiistaan dufanka kolestaroolka loo yaqaano, xididadaas oo xirmo waxay sabab u noqdaan wadne-qabadka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0
- Cayilka: Babaayga wuxuu ugu horeeyaa cunanda dhakhso lagu dhargo, kuwaasoo aan cayil keenin, waxaana lagula taliyaa dadka rabo inay iscaateeyaan inay ku dadaalaan cunista babaayga, akhriso qoraal ku saabsan dhibaatada daawooyinka la isku caateeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6319.0
- Difaaca Jirka: Babaaygu wuxuu sare u qaadaa howsha unugyada difaaca jirka, waxaa kaloo ka buuxo fitamiin C oo isagane muhiim u ah difaaca jirka, akhriso unugyada difaaca jira iyo qaabka ay jirka u difaacaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1754.0
- Caadka Indhaha: Babaayga wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo ee loo yaqaano "Cataract", Babaayga waxaa kaloo ka buuxo fitamiin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, Babaayga, Yaanyada iyo Karootada waa sadaxda cunno ee la isku waafaqsan yahay in laga helo caafimaad buuxo ee Indhaha, Akhriso qoraal aan uga hadalnay Karootada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5745.0
- Gaaska iyo Dheefshiid xumada: Babaayga wuxuu aad u yareeyaa aashitada caloosha, hadduu qofka leeyahay laabjeex iyo bog xanuun, babaaygu waa u daawo. wuxuu kaloo babaaygu daawo u yahay dheefshiid xumada, dibbirada iyo daaco qurunka, Akhriso dhibaatada dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0
- Caado xanuunka / Caado wareerka: Babaaygu wuxuu ka tirsan yahay cunnooyinka loo adeegsado caado xanuunka iyo caado wareerka, maadaama babaayga laga helay maado loo yaqaano "papain" oo dhiiga caadada ku shaqo leh, waxaa la arkay inay sixisteeda ka qeyb qaadato, Akhriso qoraal aan uga hadalnay Cunnooyin kale oo caadada lagu saxo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
- Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha: Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, wuxuuna koriyaa timaha sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo tinta, wuxuu kaloo yareeyaa agoolka, waana sababta keentay in shirkada qaar ay ku suuq geeyaan kareemyadooda maqaarka ama tinta loo isticmaalo inuu babaay ka samaysan yahay ama uu ku jiro, Akhriso qoraal aan uga hadalay timaha go'idda ama daadashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=687.0
- Diiqada iyo Welwelka: Babaayga wuxuu ku jiraa cunnooyinka yareeyo stress-ka isagoo ka qeyb qaato kontaroolidda hormoonada u qaabilsan stress-ka, waxaa arrintaan lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay Jaamacadda Alabama, Akhriso qoraal ku saabsan Isku-buuqa iyo welwelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0
- Neefta / Xiiqda: Babaayga wuxuu ka tirsan cunnooyinka yareeyo halista cudurka neefta sababtane waa maadada loo yaqaano beta-carotene oo aad u badan, haddii aad neef qabtid ku dadaal cunista babaayga, Akhriso qoraal aan uga hadlay xanuunka Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=351.0
- Caafimaadka Lafaha: Babaayga wuxuu kordhiyaa soo nuugista maadada kaalsiyamta oo lafaha laga sameeyo, wuxuu kaloo yareeyaa in kilyuhu kaalisyamka jirka ka saaraan, waxaa kaloo laga helaa borotiinada lafaha qaabilsan, intaas oo la isku daray kulligood waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo, akhriso qoraal aan uga hadalnay xanuunka lafo-beelka oo ku badan haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0
Babaaygu waa cunno nafaqo leh, nafta u roon, caafimaadkane kobciyo, wadankeenane laga helo ee aan ku dadaalno.
Akhriso
Caafimaadka Qaraha / Xabxabka:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com