Author Topic: Su'aal: Maxaa keena labeebnimada?  (Read 5216 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keena labeebnimada?
« on: April 10, 2016, 11:55:14 PM »
waxaan rabaa in aan wax ka ogaado ilmo yar oo gabar ah oo xubinta taranka hoosteeda  una dhow godka saxarada eey ka soo baxeen cad yar oo dheer markii eey dhalatay ilaa hada jiirasho ayeey sameeysaa xiliga saxarada mana adka saxarada hooyada ma eeysan arkin cadkaan yar ee soo baxay hada unbaa waaga ku baryay wel wel ayeeyna la joogi la dahay oo waxay ka baqeeysaa in la dhaho waa labeeb aan labna ahayn dhadigna ahayn ama isku ah labadaba marka sidee lagu ogaadaa calaamadaha qofka isku ah lab iyo dhadig mase noqon kartaa wax kale




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena labeebnimada?
« Reply #1 on: April 26, 2016, 04:32:39 PM »
Labeeb markii caafimaad ahaan loo hadlayo waxaa laga wadaa qof xubnihiisu taranka iyo muuqaalkiisu aysan islahayn ama qof labadii xubnoodba leh.

Sida aad uga hadashay cunuga yar inuusan labeebnimo ahayn ayay u badan tahay, maxaayeelay meesha aad tilmaantay inay wax ka soo baxeen, labeebku waxba kuma yeesho, meesa cawrada lagu yaqaanay ayaa muuqaalkeedii sibadali kara kaliya, markii sidaan loo sharxo labeenimada erayga u dhigma wuxuu noqonayaa "Intersex".

Laakiin maamada kula tali inay dhakhtar u gayso si loo hubiyo.
Waxaa kaloo jiro xaalad caafimaad ahaan loo yaqaano "Testicular feminization syndrome" oo ah qof leh xubnihii taranka ragga laakiin gudaha ku leh ugxan sidihii dumarka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 61389
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 169352
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 113322
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 62817
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 68096
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig