Author Topic: Su'aal: Waxaan dareemayaa xanuun ka bilaamaya gacanta bidix?  (Read 4217 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Almis

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
asc bahda somali medical waxane iniga mahadcelinaya adeega wgsn ee ade uu haysane bulsha somaliyeed illah ha iniga naxiirsto  marka xigta dictor waxana mudo badane oo hada gadhaysa sanad waxane marba marka ka dabaysa dareemaya xanun ka bilamaya gacanta bidix kadib hoose uu dagaya ila lugta midix wax yare kadib aya isku badalaysa ine lugta yeelato kabubyo ila moodo ioo ane moodayo bila awood kadib xanun wuxi uu wareega fedha oo ade xanuna taasi waxay keenay ine wadnuhu ise garaaco oo neftu igu yaarato oo jidhkaga oo dhaan aye noqda bila tamaar oo ane dhidido mudo iyo qanjidhada cuunaha oo xanuno oo isku xidhama wana leyahay dictor oo marka ane wax cuunayo waxane mooda ine wuxi cuuno ane cuuno ine labta ii fadhiso waxana ka dareema culays fara badane oo mar mar ane yeesho ine neftu igu yarato dictor mxd igu taali lahyd oo miyade ii sheegti xanunada sababa dhibtasi wuxi ade igu garanaysi allah kaga abaal maariyo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan dareemayaa xanuun ka bilaamaya gacanta bidix?
« Reply #1 on: June 18, 2016, 01:00:36 PM »
neefta oo ku gu dhegto, wadna xanuun iyo gacanta bidix oo ku xanuunayso iyo kabuubyo jirka ah waxay tilmaan u noqon kartaa cudur wadne ee fadlan sida ugu dhakhsiyaha badan ula xiriir dhakhtarka si lagaaga hubiyo in wadnaha iyo xididadiisuba aysan dhibaato qabin.
Akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 37747
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 37515
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 27824
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 46881
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29769
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan