
Bismillahi...
Waa 18 talo oo aan ugu talagalay qofka qaba cudurka macaanka bisha ramadaan.
- Hooyada macaanka qabto oo uurka leh waxaa haboon inaysan soomin illaa uu dhakhtar u fasaxo mooyee si loo xafido caafimaadkeeda iyo midka uurjiifkeeda.
- Qaadashada cirbadda insulinta iyo tallaalka ma jabiyo soonka sida culumada badankeed ay qabaan
- Dadka qabo macaanka nooca 2-aad badanaa si aan dhib lahayn ayay u soomi karaan haddii aysan xanuuno kale jirin.
- Dadka qabo macaanka nooca 1-aad waa in ay taxaddar muujiyaan ayna qaataan talooyinkaan hoose inta aysan go'aansan soonka.
- Waa qasab qofka qaba macaanka oo rabo inuu soomo in caafimaadkiisu uu u saamaxayo, waana in aysan sokortaadu ahayn mid wareersan oo markay rabto kacayso ama dhacayso.
- Bukaannada qaar waxaa lagula taliyaa in cabirka insulin-ta ay yareeyaan, ama nooceeda la badalo si aysan sokorta u dhicin xilliga soonka.
- Waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kugu la taliyo qaadashada insulin-ta degdegta ah xilliga afurka si sonkortaada loo xakameeyo, laakiin waa in dhakhtarkaaga la tashataa marka hore.
- Qofka macaanka qabo waa qasab in uusan suxuurta ka tagin, weliba cuno cunto tayo leh.
- Qofka macaanka qabo ee sooman waa inuu badsadaa cabitaanka badan ee aan sokorta lahayn, waana inuusan hal mar wada cabin oo habeenkii loo qeybiyo.
- Qofka macaanka qabo waa inuu saxuurta dib dhigto oo addinka oo wax yar dhiman cunaa.
- Cunnooyinka badanaa soonka la cuno sida burka, sambuuska, timirta iyo qaraha waxay ku xiran tahay macaankaaga noociisa iyo sidaad u xakamaysid, badanaa dadka sokortoodu dagan tahay, daawadane joogteeyo way ku afuri karaan timirta iyo qaraha aan la shiidin, hal xabo oo bur ama sambuus ahne way isticmaali karaan laakiin waa in daawada sokorta aysan hilmaamin, haddii aad dareentid in sokortaadu ay aad u kacayso markii aad isticmaashid cunnooyinkaas, waxaa haboon in aad ka fogaatid.
- Qofka macaanka qabo markuu afuraayo wuxuu qaataa 3 xabo oo timir ah iyo biyo caadi ah, kadib salaada maqribka ayuu dukanayaa, kadib wuxuu qaadanayaa daawadiisa inta uusan bilaabin cunno culus.
- Haddii daawadu ay tahay laba waqti, waa inuu qofka suxuur fiican cunaa, kadibne daawada uu qaato.
- Haddii daawadu ay ahaan jirtay 3 waqti waa in laba waqti laga dhigaa adigoo la kaashanayo dhakhtarkaaga.
- Haddii aad daawada Insulin-ta aad qaadatid, cabirka badan waa xilliga afurka, cabirka yarne waa xilliga saxuurta, tani waxay kugu caawinaysaa inaysan sokortaada kicin habeenki aysanne dhicin maalintii.
- Haddii insulin-ta aad qaadatid ay thay middii halka jeer la qaadan jiray waa in aad xilliga afurka kaliya aad qaadatid.
- Waa muhiim in aad ogaatid astaamaha sokorta dhacsan sida gaajo siyaado ah, wareer, dhidid badan, tabardarri, xanaaq, madax xanuun, aragga oo calaw ama caad yeesho, haddii aad isku aragtid astaamahaas waa qasab in aad soonka furtaa xittaa haddii afurku uu wax yar ka dhiman yahay, ajarkaagane waad heli doontaa ilaah idinkii.
- Haddii xanuun dartiis aadan la soomi karin ogow in niyadaada lagugu ajar siinayo, adigoo afur kuu banaanyahay xanuun dartiis, haddii aad soon isku qasabtid oo dhibaato kaaga timaado, dambi ayaa kaaga imaan karo.
Akhriso qoraal aan uga hadlay
Sonkorta Dhacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=722.0Akhriso qoraal aan uga hadlay
Soonka iyo Dhiig-karka / Wadna xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7144.0.htmlAkhriso qoraal aan uga hadlay
Bukaanka Sooman: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7130.0.htmlAkhriso qoraal aan uga hadlay
Madax xanuunka la dareemo bisha Ramadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7138.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com