Author Topic: Su,aal xudunta hoosteeda ayaa ixanuunta mararka qaar  (Read 4211 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muxya62

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Su,aal xudunta hoosteeda ayaa ixanuunta mararka qaar
« on: September 03, 2016, 08:54:32 PM »
asc bahda somalidoc salan gobed ayaan idingu salaamay. sln kadib
su,aal ayaan qabaa oo ah
mararqaar ayaa waxaa ixanuuna xudunta hoosteeda sida iyada oo uu haya ikfishin marka wali isbitaal maanan tagin ee maxaaa keena xanuunka.
tankale miisanka jirkeyga todobo todobo ayuu isu badalaa yacni todobaad waan yara buurani todobaadna miisanka baa igadhcy iyadana maxaa keena
fatlan 2 su.aalod iiga soo jawaaba




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su,aal xudunta hoosteeda ayaa ixanuunta mararka qaar
« Reply #1 on: October 16, 2016, 07:12:54 PM »
Xanuun aad ka dareentid xudunta hoosteeda wuu noqon karaa astaan infekshan khaasatan midda ku dhaco kaadiheysta ee loo yaqaano "Cystitis", waa muhiim in aad kaadida iska baartid, midda ku saabsan miisaanka iyadane waa muhiim in aad cabirtid oo aadan qiyaasin, qofka isagoo miisaan rasmi ah ka dhicin wuxuu dareemaa inuu cayilay ama caatoobay taasina sax ma ahan, sababta aan sidaas kuu leeyahay ayaa ha in isbadal miisaan uusan ku dhici karin todobaad gudaheed illaa in ay cillad weyn ay jirto ama cunnada aad ka go'day mooyee.

Faahfaahin ku saabsan infekshanka ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: