Author Topic: Su'aal: Waxaa la igu sheegay Teratozoospermia?  (Read 31803 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaa la igu sheegay Teratozoospermia?
« on: November 02, 2016, 04:43:32 PM »
asalaamu calaykum dhakhtarada dhamaan waad salamantihiin salaan kadib su aashaydu waxa weeye arintan ayaa laygu sheegay (teratozoospermia)  ee rajo maleedahay hadan vitamins qaato ama aan sigaarka joojiyo mida kale waxan jeclaystay in aan sawirka resultiga sperm testiga idin soo diro balse siden idinku soo diraa mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa la igu sheegay Teratozoospermia?
« Reply #1 on: November 11, 2016, 07:04:30 PM »


Teratospermia waa muuqaalka unugyada shahwada oo aan dabiici ahayn, inkastoo aan la aqoon sababta rasmiga ah ee keento cilladaan laakiin waxaa jiro waxyaabo lala xiriiriyo sida sigaar caibsta, bararka xididada qooraha, sunta qaarkeeda oo jirkaaga gaarto iyo cillado dheef-shiidka la xiriiro sida cudurka bararka xiidmaha ee loo yaqaano "Crohn's disease" iyo Cudurka "Celiac Disease".

Cilladda muuqaalka aan dabiiciga ehay ee shahwada "Teratospermia" waxay ragga u keentaa ma dhalaysnimo inkastoo ay ku xiran tahay cadadaka xawada ee aan dabiiciga ehayn inta uu gaarsiisan yahay. Waxaa cilladaan "Teratospermia" lagu sheegaa qofka markii unugyada muuqaalkooda cilladaysan ay gaarsiisan yihiin in ka badan boqolkiiba 85%, xaaladaasoo qofka shahwadiisa aysan bacrimin karin ugxanta haweenka.

Muuqaallada aan dabiiciga ehayn waxaa ka mid ah madaxa unugga xawada oo isbadalo sida inuu aad u weyn yahay ama aad u yar yahay ama uu wareegsan yahay ama laba madax uu leeyahay am seenta unugga oo qalloocan ama labo ah ama aan dabiici ehayn, fadlan sawirkaan hoose ka fiiri muuqaalka dabiiciga ah ee laga rabo oo dhinaca bidix xigo iyo muuqaallada dabiiciga aan ahayn oo dhinaca midig ku tixan.

Cilladhaas waxay ka hortaaga in xawada ay gaari wayso ugxanta ama bacrimin kari wayso.

Mararka qaar waxaa dhacdo in qofka uu qabo muuqaalka unugyada shahwada oo cilladaysan iyo unugyada oo aad u yar, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa "Teratozoospermia", way ka duwan tahay cillada lagugu sheegay, daaweyntane way ka adag tahay.

Sidee loo daaweeyaa "Teratospemia"?
  • Waa muhiim in aad joojisid cabitaanka sigaarka, shiishadda, cunista jaadka iyo maandooriyeyaasha kaleba.
  • Ka fogow isticmaalka daawooyinka xad dhaafka ah
  • Ku dadaal cunnada dabiiciga ah ee aan la soo warshadaysan
Talooyinkaas raac ugu yaraan muddo 3 bilood ah, kadibne dib u baar shahwada si loo fiiriyo wixii isbadal ah.
Haddii weli cillada jirto waxaad u baahanaysaa in daawo laguu qoro, daawooyinka waxtarka lagu arkay ee la isticmaalo waa kuwa lidka ku ah hormoonka istorojiinka, laakiin waa in dhakhtar aqoon u leh cilladaan uu daawadaas kuu qoraa.
Haddii ay daawadaas shaqayn wayso, weli fursad ay xaaskaaga uur ku qaadi karto way jirtaa iyadoo isla shahwadaada toos loogu bacrimiyo ugxanteeda, farsamadaas oo loo yaqaano "Intracytoplasmic sperm injection", inkastoo aan meel kasto lagu samayn karin.

Akhriso qoraallo xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo gudib qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16952
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13532
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16009
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 62028
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14755
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc