Author Topic: Su'aal: Maxaa sababa Dareemida Qoyaan xaga jidhka?  (Read 3128 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline AbdirashiidKJ

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa sababa Dareemida Qoyaan xaga jidhka?
« on: November 07, 2016, 11:05:49 PM »
Waxaan qoyaan iyo dhibco dhibco kulul oo cun cun leh  ka dareemaa gacmaha, dhabarka, qoorta, wajiga, bawdyaha, laabta iyo dhamaan qaybaha kale duwan ee jidhka siiba ahaan markaa aan socod bilaabo ama aan lugeeyo.

Dareen gubasho iyo kulayl oo kale ah ayaan ka dareemaa  qoorta iyo dhabarka markay dhibco dhibcahani kulul sidii irbad kulul in lagaaga mudmudayo jidhka, amaa aashito kulul ku tiixaan jidhkha.

Waxa jira qoyaan aan ka dareemo jidhka markaan dharka salaaxo siiba gacmaha iyo bawdyaha , qabow iyo qoyaan sidii dharku qoyan yihiin oo kale.

Sidoo kale laydh qabow iyo hanfi kuleyl oo iga marta wajiga waan dareemaa.

Wakhti kastana maaha marmar ayaan isku arkaa inta badan mudo ilaa 4 sano ah waan dareemayey. waxaanay igu qaata inaan dareenkani iga baaba'o mudo 2-10 daqiiqo siiba ahaan markaan fadhiisto ama is dajiyo.Calaamadahaas aan sheegayaa oo dhan isku mar ayey bilowdaan oo way isku xigxigaan marna way iga wada tagaan.Markaa waxaan dhakhaatiirta somalidoc ka codsanayaa inay faah faahin iga siiyaan arinkan.





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa sababa Dareemida Qoyaan xaga jidhka?
« Reply #1 on: November 26, 2016, 11:14:36 AM »
Inkastoo ay fiicnaan lahayd nabraha aad tilmaantay in la arko, laakiin waxay iila eg tahay cilaldaada cudurka loo yaqaano "Miliaria", ka khriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4353.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58586
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 165929
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 110006
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 60451
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 65416
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig