Author Topic: Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?  (Read 3892 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bintu.cumar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?
« on: December 15, 2016, 11:13:25 PM »
Asc wr wb salaan kadib waxaa iga khaloocan labada suul iyo farta dhexdaa ee lugta sulka  midig ayaa aad u khaloocan hadii aan farta ku riixana wey I xanuuneysa. Faraha gacmahana waxa iga khaloocan tan dhexe tan bidix ayaana farta ku riixi karin oo I xanuuneysa. Maxa keena  faraha oo khaloocma??
Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?
« Reply #1 on: January 27, 2017, 12:18:39 PM »
Sida aad u tilmaantay qallooca faraha waxay astaan u tahay cudurka roomaatiisamka, afka qalaadne lagu dhaho "Rheumatoid Arthritis", waxaa astaamihiisa ka mid ah in suulasha iyo faraha dhexe uu qalloociyo sida ka muuqato sawirka hoose.

Kalagosyka farahane wuxuu u yeelaa kuuskuus haddii aad riixdo ku daqnanayo, waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar ku takhassusay cudurrada guud ama dhaqatarka cudurrada roomaatiisamka "Rheumatologist" iyagaa baaritaano dheeraad ah kuu diri doono, waxaadne u baahan doontaa daawooyin in laguu qoro si qallooca iyo xanuunka loo xakameeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Bintu.cumar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?
« Reply #2 on: February 03, 2017, 11:40:47 PM »
Kalagoyska garabka middig iyo lugaha iyo feerta bidix ee hoose intuba wey I damqanayan. Hadii aan hada la dhaweynin dhib miye keenness?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxa keena faraha oo khaloocma?
« Reply #3 on: May 08, 2017, 03:10:24 PM »
Waa muhiim in la ogaado waxa kuu keenay xanuunka, hadduu yahay wax iska fudud waxaa laga yaabaa inusaan dhib kuu keenin mustaqbalka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27410
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23763
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24879
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12316
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9760
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc