Bismillah,
Wax walba Alle qadartii ayay ku dhacaan, siyaabo kala duwan oo aan ahayn Isutagne waa lagu kala qaadaa cudurkaan, sidaa darteed sax ma ahan in qofkii laga helo cudurka HIV-ga inuu dambi galay ama macsi uu sameeyay, fadlan akhriso cashar aan uga hadlay cudurkaan sida lagu kala qaado iyo astaamaha lagu garto:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=446.0Haddii aan u soo laabto su'aashaada, lamaanaha isla nool ee mid ka mid ahi uu qabo cudurka HIV-ga waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Serodiscordant couples", siyaabo gooni ah ayaa loola tacaalaa, talooyin ka duwan dadka kale ayaa la siiyaa oo waa xaalad gooni ah oo baahi badan la soo baxdo sida su'aalahaaga ka muuqdo.
Midda kale maadaama ay yihiin dad isla nool oo aan kala maarmin, xanuunkane ay isqaadsiin karaan, talooyin taxaddar ku dheehan ayaa la siiyaa si ay u foojignaadaan khaasatan dhinaca galmada, dhinaca uurqaadista iyo dhinaca nuujinta intaba.
Daawada HIV-ga ee maanta dunida taallo hadafkeedu waa inay hoos u dhigto tirakoobka fayraska si gudbintiisu u adkaato, astaamaha cudurkane aysan kaaga muuqan, caafimaad xumane aadan dareemin. laakiin ma jirto daawo aad kaga bogsanayso cudurkaan oo dhakhtar kuu qori karo, laakiin Alle wuu kaa qaadi karaa.
Midda kale ma jirto damaanad ah in aadan cudurka u gudbin karin xaaskaaga, haddii xitaa tirakoobka fayraska uu noqdo eber (0), way dhacdaa inuu gudbo iyadoo qalabyada lagu baaro ay sheegaan in fayraskii la arki la'yahay (undetectable).
Midda kale oo muhiimka ah, dad badani ay si qalad ah u fahansan yihiin waa in condom-ka ama cinjirka galmada aan cudurrada galmada lagu kala qaadin, laakin taasi sax ma ahan, waxay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in cinjirka ama condom-ka uu difaac ka hortag boqolkiiba 82% illaa 98% uu kaa siin karo cudurrada lagu kala qaado galmada iyadoo ay ku xiran tahay qaabka ad u isticmaashay, laakiin weli ay jirto jaanis 2% illaa 18% in cudurka aad qaadi kartid. marka condom-ka fursadda qaadista cudurka ayuu yareeyaa ee ma ahan in cudurka aadan qaadaynin.
Galmada iyo HIV-gaLamaanaha sidiina oo kale ah, haddii ay isku waafaqaan inay galmo sameeyaan, waxaa shardi looga dhigaa dhowr waxyaabood oo kala ah:
- In tirakoobka fayraskaaga (HIV Viral Load) uu eber sheego ama qalabka baarista lagu arki waayo.
- In cinjirka galmada aad isticmaashaan kaliya hadduu tirakoobka fayraska HIV uu eber noqdo.
- In lamaanaha cudurka qabo uu qaadanayo daawada "Antiretrovirals-ka" ee lagu yareeyo xaddiga fayraska HIV.
- In labada lamaanaba aysan qabin cudur kale oo galmada lagu kala qaado, maxaayeelay waxaa la ogyahay in hadduu jiro cudur kale inuu fududeyn karo gudbinta iyo faafinta cudurka HIV-ga, akhriso qoraal aan uga hadlay cudurrada lagu kala qaado galmada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0
- In galmo aan la samaynin haddii midkiin uu jiran yahay, sababtoo ah difaaca jirka ayaa hoos u dhici kara, waadna u nuglaan kartaan in cudurka aad isqaadsiisaan, khaasatan cudurrada fayrasyada kale keenaan sida Hergabka iyo ifilada.
Haddii aad dareentaan shakki in dheecannadiina is gaareen ama cinjirka uu dillaaco ama siyaabo kale aad u shakkisaan khaasatan hadduu tirakoobka fayraska uu sarreeyo, waa in aad dhakhtar la xiriirtaan, si lamaanaha aan cudurka qabin loo siiyo daawada "PEP" oo loogu talagalay ka hortagga qaadista fayraska HIV, waana qasab in daawadaan la qaato 72 saac gudahood markay qofka wax gaaraan.
Uurka iyo HIV-gaLamaanaha isla nool ee raba inay uur qaadaan, way u sahlan tahay iyagoo aan cudurka isqaadsiin, haddii qofka cudurka qabo ay haweenta tahay way ka sahlan tahay markuu ninka qabo cudurka, sababtoo ah, shahwada ninkaaga ayaa si toos ah laguugu beeri karaa iyadoo wax galmo ah aysan dhicin, meelo badan oo dunida ah waa lagu sameeyaa, laakiin haddii ninka uu qabo cudurka waa in shahwadiisa laga dilo fayraska, laguna sameeyo waxa loo yaqaano "Sperm washing", meel kastane lagma helo daryeelkaan.
Marka haddii aad uur u baahan tahay in aad qaadid fadlan la xiriir dhakhaatiirta haweenka ee ku takhassusay bacriminta "IVF".
Dhalmada / Nuujinta iyo HIV-gaMidda kale oo muhiimka ah, haddii aad uur qaadid, waa in uurjiifkaaga laga badbaadiyo in cudurka uusan kaa qaadin, waa in qalliin aad ku dhashaa oo aadan si dabiici ah u foolan hadduu jaaniska qaadista cudurka uu badan yahay ama in si dabiici ah u foolatid haddii dhakhatarkaagu u badiyo in jaaniska gudbinta cudurka uu hooseeyo, waana in aadan nuujin maadaama nuujinta lagu gudbin karo cudurka, xaaladaha qaar cunugaaga waxaa la siin karaa daawooyina ka hortag ah bilaha hore ee noloshiisa.
Fadlan ku dadaal joogteynta daawadaada, waana in aad yeelataan dhakhtar aqoon u leh cudurkaan oo xaaladiina la socda, maadaama aad ka taxaddaraysid in cudurka aadan u gudbin ninkaaga, isagane uu daryeelkaaga ka fakarayo iyo xaaladaada caafimaad, way jiri doonaan su'aalooyin badan oo noloshiina ka soo dhex bixi kara.
Intii cudurkaan qabto, Alle ha ka qaado, intii aan qabinne Alle haka badbaadiyo.
Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com