Author Topic: Su'aal: Lug xanuun, gaar ahaan ciribta ee xilig uur?  (Read 3209 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ugaash

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Lug xanuun, gaar ahaan ciribta ee xilig uur?
« on: February 04, 2017, 05:03:39 PM »
A.c Doctors,

marka hore waad mahadsantihiin sida aad dadka ugu faaiidaysaan aqoontiina.
Suaal. xaaskayga waxaa qabta xanuun lugta midig ah gaar ahaan ciribta (guurguura) markasta oo ay uur yeelato. badanaa xanuunku wuxuu aad uqabtaa marka ay istaaga badsato,balse arinta aanan fahmin waxaytahay xanuunku wuxuu qabtaa marka ay uur leedahay kaliya, xitaa hadii uurkaas uusan culays ku ahayn sida marka ay 3biloodtahay oo kale.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Lug xanuun, gaar ahaan ciribta ee xilig uur?
« Reply #1 on: May 08, 2017, 03:15:54 PM »
Qasab ma ahan inuu uurka culeys yahay, isbadal badan ayaa ku dhaca hooyada markay uur qaado, waxaa ka mid ah in seedaha jirkeeda ku jiro ay dabcaan una adkaysan kari waayaan waxyaabo markii hore caadi u ahaa.

Hooyada uurka leh hadday muddo istaagnaato ama qaadato kabo cirbo leh ama caguhu bararsan yihiin ama xittaa kaalsiyamka uu ku yar yahay lafaha waxay ku dhaco cago xanuun kuwaasoo noqon karo seedo xanuun, weliba nuuca loo yaqaano "Plantar Fasciitis" ama cirib fiiqowga oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3429.0

Waa muhiim inay gashataa kabo jilcan, istaagga badan iska ilaaliso, habeenkiina biyo qandac ah ay cirbaha gashato, maadada kaalsiyamtane ay qaadato way ka fiicnaanaysaa insha'llah
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34655
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33874
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 24851
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 43248
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30713
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc