Author Topic: Su'aal: Madax xanuun saa'id ah?  (Read 3737 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Layla som

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madax xanuun saa'id ah?
« on: February 13, 2017, 06:45:11 PM »
Asc Dr, waxan jeclan lahaa inaa Ku weydiiyo, waxaan leeyayahy madax xanuun saa'id ah, waxaan dareemayaa markaan guriga joogo, waxaan ahay qof xaas ah hadii maanta an xafada kabaxo aan lasheekeysto asxaabta waxaan daremayaa caafimad hadii guriga kusoo noqdo madax xanuun caajis iyo xumad aan badneyn baa dareemaya gurigana xajiga wuu joga, waxan utagay dhakhtar cudurada guud baa layga qaaday waxaan layga helay dhiiga fayga, vuse ka , quuman waan qabay dhakhtarka daawa kasta wan qaatay ilaa heer aan gaaro oo quumanki qalii. Laygu sameeyo madaxina wali waa xanuuna waa guriga hadii aan joogo hadii dad bulsha ah dhexgalo ama dad aan lashekeysanyo banaka ubaxo caafimad ban dareemaya




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax xanuun saa'id ah?
« Reply #1 on: May 13, 2017, 08:14:50 PM »
Waa nuuc ka mid ah madax xanuunka waxaana loo yaqaanaa "Tension headache", waxyaabaha ugu badan ee keeno waa "stress-ka", astaamaha lagu garto madax xanuunkaan waxaa ka mid ah fakar, welwel, caajis, qoor xanuun iyo culeys garbaha kaa saaraan, madaxa oo dhafoorrada kaa xanuuno weliba aad dareemayso in lagaa cadaadinaayo.

Wuxuu qofka madax xanuunkaan dareemaa markuu xaalad diiqad galo, waana in diiqad ama niyad jab ahaan laguu daaweeyo, sababtoo ah daawooyinka madax xanuunka caadiga ah isbadal weyn kuma helaan dadka leh astaamahaan.

Akhriso qoraal ku saabsan diiqadda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa nuucyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0

Midda kale baaritaanka lagu yiri wuu kacsan yahay maahan baaritaan u gooni ah cudur oo waxyaabo badan ayaa kiciyo, wax wayne laguma dhisi karo, akhriso qoraal aan ku faahfaahiyay baaristaanka dhiigga fayska ee "ESR": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6001.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34036
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33132
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 24231
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30157
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48620
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc