Author Topic: Su'aal: Maxay tahay (Lactose intolerance)?  (Read 24710 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Yusuf Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxay tahay (Lactose intolerance)?
« on: March 09, 2017, 06:12:24 PM »
Asc mudane: Dr 

Aadbadan u mahadsanty sidaad umadada ugu heelany Mar walba uguna iftiimisa Cilmiga eebu ku baray allena ha ka abaal mariyo ajer iyo xasanadna hakA siiyo bada salaan.
Dr waxad inyar I iftimisa sonkorta caanaha ama(Lactose intolerance)  dhakhtarka ayaa dhahay caanaha iyo yogodka   ayay maadadani ku badantay marka waxan jeclaa inaad wax iga sheegto.
Mahadsaid : Dr   




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4706
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxay tahay (Lactose intolerance)?
« Reply #1 on: June 11, 2017, 11:57:50 AM »


U dulqaadasho la'aanta sokorta laktoos, afka qalaadne lagu dhaho "Lactose intolerance" waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sokorta nuuca loo yaqaano "lactose" oo badanaa laga helo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay.

Qofka wuxuu dareemaa dibbiro, dhuuso badan, shanqar caloosha ah iyo shuban saacado ka dib mar walba uu cuno ama cabo wax ay ku jiraan sokorta "lactose".

Dadka cilladaan qabo waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaano "lactase", kaasoo shaqadiisa tahay in sokorta "lactose" uu burburiyo si jirka uga faa'idaysto. (Waa abuuris ilaahay).

Xalku waa inuu qofka ka fogaado waxyaabaha lactose-ka laga helo sida caanaha, burcadka, subagga laga culay caanaha iyo cunnada lagu daray ama lagu sameeyay caanaha.

Ogow xaaladaan way ka duwan tahay dadka xasaasiyadda ama allarjiga ku qabo caanaha, waxaana taasi loo yaqaanaa "milk allergy", waa xaalad daran oo qofka halis galin karto, wuxuuna jirka diidan yahay maaddo laga helo caanaha lo'da oo loo yaqaano "S1-casein", taasoo qofka hadday jirkiisa gasho uu qaadayo Allarji aad u daran, akhriso qoraal ku saabsan allarjiyada halista ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2223.0

Maadaama macdanta ugu badan ee laga helo caanaha ay tahay "calcium" ama Kaalisiyam oo lafuhu jirku ka maarmin, waxaa qofka cilladda laktoos qabo lagula taliyaa meelaha uu kaalsiyam ka heli karo sida baamiyaha, koostada, kabbajka, kalluunka nuuca loo yaqaano "sardines" oo lafaha lahayn, lowska iyo yicibta.

Ka faa'idayso qoraallo ku saabsan khudradda laga helo kaalsiyamta ee aan kor ku soo xusay:

Faa'idooyinka Caafimaad Ee Baamiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6789.0
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Kabbajka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6666.0
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Koostada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6452.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid noogu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50970
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 51529
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 47386
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 32455
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31647
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc