
Bismillah,
Waxaan rabaa in aan qormadaan si kooban uga jawaabo su'aashii ahayd caruurta dhiciska ah ee aan bila dhamaysan maka maskax yar yihiin caruurta kale iyo sababta dadka qaar ay sidaa u dhahaan?
Maadaama maskaxda uurjiifka ay ku jirto xilli korriimo khaasatan bilaha ugu dambeeyo ee uurka, waxaa la aaminsanaa in muddo ah in caruurta iyagoo korriimada maskaxdooda dhameestirmin dhasho in ay la kulmaan dhibaatooyin aysan maskaxdooda diyaar u ahayn, taasoo culeys saarayso maskaxdii curdanka ahayd ee aan kobcin, taas ayaa keeni karto in caruurtaasi ay ka maskax yaraadaan ama ka garaad yaraadaan caruurta kale.
Iyadoo sidaa la aaminsanaa, yaa hadane waxaa jira dad la dhalay iyagoo aan bilo dhamaysan laakiin dunida wax badan ku soo kordhiyay oo aad u maskax badnaa, dadkaas la sheegay waxaa ka mid ah: Issac Newton, Mark Twain, Albert Einstein, Winston churchill iyo kuwa kale oo badan oo reer galbeedka ugu jiro liiska dadka maskaxda badan.
Taasi waxay dhalisay in dib la isugu laabto oo la isweydiiyo, haddii dhicis ahaayeen maxaa ka duway jiilkooda, maxayse dheeraayeen?!
Cilmibaarisyo arintaan lagu dabagalayay ayaa bilaabatay, waxaana ka soo baxay dhowr natiijo oo iska hor yimid, waxaana loo kala qeybsamay:
- Koox waxay tiri, caruurta markay 2 sano gaaraan waqtigay rabaan ha ku dhashaanee inay isku maskax noqonayaan iyadoo aan la fahansanayn sababta sidaas ka dhigtay!.
- Koox kale waxay soo ogaatay in caruurta dhiciska ah ee hooyadood naas nuujiso inay ka maskax badan yihiin caruurta bilaha dhamaysatay ee aan naaska la nuujin, waxayna arintaan sii wareerisay baaristii socotay, waxayna kooxdaan warkoodii ku soo gabagabeeyeen in naasnuujinta ay caruurta garaadkooda dhameestirto, khaasatan hadduu cunuga dhaxal ahaan uu maskaxdiisa fiicnayd.
- Koox sadaxaad waxay tiri: hadduu cunuga foosha uusan ku dhibaatoonin oo aan dhaawac maskax gaarin, korriimadooda maskaxda iyo garaadka wax kama duwana caruurta kale
Wareerkaas iyo cilmibaarisyadaas is khilaafsan waxaan ka faa'idaysanaynaa inay arintaan tahay cilmi Alle u gaar ah oo bini'aadanka uusan tijaabo iyo baaris ku ogaan karin. Ilaahay ayaa maskaxda, garaadka iyo maalka bixiyo, kumana xirno sida nolosha aan ka arkayno xilliga iyo bilaha uu qofkaas dunida yimid.
Horay waxaan idiin kugu soo gudbinay qoraal ku saabsan
saasaanta lagu fahmo caruurta maskaxda badan, ee ka akhriso halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7319.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com