Waxaan casharkaan kaga jawaabi doonnaa dabciga faahfaahintiisu kor ku xusan tahay, kaasoo ah in qofku taxaddar dheeraad ah muujiyo inta uusan go'aan ka qaadan arrin hor taalla, dhinac walbane u rogrogo, kana keeno su'aalo badan, taasoo dadka qaarkood u arki karaan dabci qallafsan oo shakki iyo go'aan qaadasho la'aan ku dheehan, qadarta Allane ka soo horjeeda, fadlan akhriso su'aasha kore inta aadan jawaabtaan akhrisan si aad u fahantid waxa aan ka hadlayo.
Bismillah,
Dabciga aad leedahay ee aad kor ku faahfaahisay wuxuu qeyb kasii yahay mid ka mid ah 5-ta shakhsiyadood ee aan horay u soo falaanqeeyay, kaasoo magaciisu ahaa "Conscientiousness personality", faahfaahintane waxaad ka akhrisan kartaa link-gaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7943.0 si aad u ogaatid dabciyada kale ee kuu qarsoon.
Tani waa astaan lagu garto qofka shakhsiyadaas leh inkastoo qof walba heer u gaarsiisan tahay, laakiin waa dabci aad u fiican hadduu dhexdhexaad noqdo, qofkane ku talax tagin.
Sida ka muuqato faahfaahintaada, waxaad ku dadaalaysaa in howsha aad ku dhaqaaqi rabtid ay leedahay khuddo labaad (Plan B) lacalla haddii middii hore ay fashilanto iyo in fashilkaasi xal ka gaarsiis ah uu yeelan karo, Laakiin waxaa haboon in qofkaad la sheekeysanaysid in aad la wadaagtid caqabadaha kuu muuqda oo ka horimaan kara go'aanka aad diidan tahay, taasi waxay sahlaysaa in la ogaado sababta aad u diidan tahay go'aankaas, waxayna arintaas ka hortagaysaa in si khaldan laguu arko, dadkuna waxay siinaysaa kalsooni iyo in taladaadu tahay mid gorfeeyay. nasiib xumo haddii hadalka aad soo koobtid sida ka muuqato tusaalooyinka kore, waxaad u muuqanaysaa qof caqabad ku ah mashruuca la qorsheynayo ama aan diyaar u ahayn inuu wax qabto.
Dabciga aad tilmaantay waa mid fiican, waxaana loo yaqaanaa "Problems solver persnoality" taasoo macnaheeda ah "dabciga xalliyaha caqabadaha".
Dad badan ayaa fikrado khaldan ka aaminsan dabcigaan qofka iska leh, sida inuu yahay:
- Qof fulay ah: maadaama uusan ku dhiiran karin go'aan qaadashada uuna mar walba raadinayo caqabad uu ku marmarsiyoodo.
- Qof shakki badan oo ay dhib ku tahay go'aan qaadashada, su'aalahaan badanne ay ka tahay waqti dhumis iyo xujjo raadin.
- Qof iimaankiisu daciif yahay ama qadarta Alle aan rumaysnayn, maadaam uu maskaxdiisu ku mashquulinayo how Alle tala saarasho u baahan.
- Qof eed ka carar ah oo in go'aan loo qaato rabo ee aan go'aan qaadan karin
- Qof lug gooyo badan: maadaama fikraddii la soo jeediyada uu dulduleelo ka fiirinayo.
Intaas iyo kuwa ka badanba waxay u soo muuqan kartaa dadka qaar ee la dhaqma qofka dabcigaan leh, laakiin waxaa looga hortagi karaa talada kor ku xusan.
Inkastoo dad dhif ah ay dabcigaan Alle ku abuuray laakiin waa dabci la kasban karo oo aqoon iyo tababar u baahan, waxaadne ku yeelan kartaa dabcigaan adigoo raaca 10-kaan qodob ee hoos ku qoran:
- Ha noqon qof mar walba go'aankiisa ku adkaysta ama xujjo ka hor keena fikraddii loo soo jeediyaba khaasatan markay adigu kuula muuqato inay tii saxsanayd tahay.
- Ha noqon qof dhib u arka mushkilaatka hor yaallo, waa inaad maskaxdaada ku tababartaa sida loogu ganbiyo taxaddiyaatka ka hor muuqdo.
- Ha noqon qof maskax xirxiran, mar walba ogow inuu jiro ikhtiyaar (option) kale, iskuna taxalluji inaad raadisid.
- Noqo qof meelaha dhaw ka raadiyo xalka inta aadan u gudbin meelaha fog, tani waxay xoojinaysaa awooddaada falanqaynta iyo xal raadinta.
- Noqo qof fahma mushkiladda markaa ku hortaalla iyo caqabadaha ku heeraysan inta aadan raadin xal, taasi haddii aadan samayn waxay kuu horsaydaa niyad-jab iyo dhibaato kale.
- Noqo qof awooda in xalka u muuqdo fahan siin karo qofka ka soo horjeeda.
- Yuusan noqon go'aanka aad qaadatay mid dhib ku ah dad kale, ha noqdo mid adiga iyo dadka kalaba ay ku wada faraxsan yihiin.
- Noqo qof ka hortaga dhibaatada, laakiin ha noqon qof dhibaatada la tacaala, taasi waxaad ku xaqiijin kartaa inaad fakar iyo qorsho isku dhaftid inta aadan go'aan qaadan.
- Go'aan ha qaadan adigoo aysan kuu muuqan tallaabada xigta wixii aad samayn lahayd guul ama khasaaraba.
- Waxa aad filayso markaad go'aan qaadatid ka dib ha noqdaan wax macquul ah oo aad qiyaasi kartid ama ka baaraandagi kartid, ha noqonin qof khiyaali ah.
Dadka dabciga kore leh, waxuu Alle ku abuuray 10-kaas sifo taasoo ka dhigayso dad ku fiican xallinta khilaafaatka iyo ka hortagga caqabooyinka aan u muuqan dad badan, waxayna heerkaas ku gaareen inay maskaxdooda mar walba ku jirto falaanqayn iyo qorshayn joogto ah oo ay ku raaxaysanayaan, waxaa la yiraahdaa dadka dabcigaan leh waxay ku fiican yihiin inay bartaaan cilmiga caafimaadka, cilmiga qaanuunga iyo cilmiga waxbaridda, maadaama ay tahay aqoon u baahan xilli walba falaanqayn, qorshayn iyo lafa-gurid, maskaxdane laga shaqeysiiyo.
Haddii aad leedahay dabci kuu gooni ah oo aad jeceshahay inaad wax ka ogaatid, noogu soo dir qeybta su'aalaha waan kaaga soo jawaabi doonnaa insha'llah, Laakiin haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka si toos ah ula xiriirtid, farriin iigu dhaaf boggeena Facebook:
https://www.facebook.com/HealthySomalia/http://somalidoc.com