Author Topic: Waa maxay Keloid? Sideese loo baab'in karaa?  (Read 19332 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Love man

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Waa maxay Keloid? Sideese loo baab'in karaa?
« on: May 27, 2017, 10:34:00 PM »
asc marka hore aad ayaan iduunku mahad celinayaa sida wacan ee aad bulshada somaliyeed u caawisaan
hdaan su,aashayda u soo gudbo maxaa lagu daweeya keloid?
aniga oo yar ayaa waxa igu dhacday hablo baas ka bacdi jidhkayga waxay kaga tagtay nabaro waawayn oo keloid isku bedelay sidee ayaan dhakhtar iska daawayn kara
mahad sanidiin
from love man
thanks all




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxay Keloid? Sideese loo baab'in karaa?
« Reply #1 on: January 10, 2018, 08:40:59 AM »


Bismillah,

Waxaan casharkeenu maanta ku soo qaadan doonnaa cillad maqaar oo aad ugu badan bulshada taasoo ka dhalato dhaawacyada qalliinka, tolmada, jeexitaanka IWM.

Waa hilib dheeraad ah oo ku dul samaysmo meel dhaawac hadda ka hor kaa gaaray oo raysatay ama la tolay, taaso u ekaato sida sawirrada kore ka muuqdo, cilladaan waxaa loo kala qeybiyaa laba nuuc: tan 1-aad wuxuu hilibka samaysmaa isla markii uu nabarka raysto waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Hypertrophic Ulcer", kan kalane wuxuu bilawdaa bilooyin ka dib, aadne wuu u faafaa, waxaana loo yaqaanaa "Keloid".

Maxaa keeno cilladaan?
Jirka bini'aadanka wuxuu Alle awood u siiyay inuu is bogsiiyo oo meeshii dhaawaca ahayd ay raysato, hilib cusubne ku samaysmo si loo daboolo, laakiin dadka qaarkood una badan Afrikanka jirkooda wuu sii wadaa raysashada oo nabarkii oo raystay ayuu hilib cusub sii dul fuulaa meeshii raysatay taasoo u yeeleyso hilib dheeraad ah, laakiin illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambayso in jirku joojin waayo hilibka dheeraadka ah markuu nabarka raysto ama isqabsado.

Maxaa lagu gartaa inaan qabo arintaan?
Waxa kaliya aad ku fahmi kartid waa inuu hadda ka hor nabar ku gaaray, qaabkaasne u raystay, badanaa wax xanuun ah ma lahan, dhibne kuma hayso qofka, saameyn caafimaadne kuma reebto, waa laga yaabaa dadka qaar inay cuncun dareemaan haddii ay ku leeyihiin jirka meelaha huurka leh ama laga dhidido.

Dhakhtarku wuxuu ku fahmaa aragti umana baahna in baaritaan laguu diro.

Halkee badanaa lagu arkaa?
Waxaa badanaa lagu arkaa dhegaha markii la duro, gacmaha, shafka, qoorta, lugaha iyo meel walba oo dhaawc kaa gaaro sida sakiin meel ay kaa jeexday ama jiinkad kaa goysay ama qalliin lagugu sameeyay sida tolmada qalliimada caloosha lagu sameeyo.

Sidee loo daaweeyaa ama loo baab'iyaa arintaan?
Dad badan waxay ku fakaraan inay iska qalaan ama iska gooyaan hilibkaan dheeraadka ah ee ku dul samaysma nabraha, laakiin taasi ma ahan mid suuragal ah ama lagu guuelysan karo, sababtoo ah haddii dhaawac hor leh la sameeyo hadane hilib kale ayaa fuuli doono ama wuu ka sii dari karaa, in muddo ah ayay dhakhaatiirta ku wareersanaayeen arintaa, illaa aakhirkii la ogaaday in nabraha lagu duri karo cirbado shuuqiyo ama yareeyo tarmidda hilibka dheeraadka ah, sidaa darteed markii hilibka la jaro, cirbado ayaa lagu duraa in muddo ah oo dhakhtarku kula soconaayo si looga hortago soo laabashadeeda, si guul looga gaarane waxaa haboon inay qalliinkaan iyo duritaankaan ay sameeyaan dhakhtar maqaar ku takhassusay "Dermatologist" ama dhakhtarka ku takhassusay qalliimada qurxinta "Plastic Surgeon".

Iyadoo qalliin lagu sameeyay, cirbadne la durayay bil kasta muddo 4 illaa 6 bilood ayaa dhici karta in isbadal la heli kari waayo, marka dhakhtarku kuuma saadaalin karo sida uu noqon doono dhaawacaaga.

Taasi waxay kalliftay in la baadigoobo qaabab fudud oo lagu baab'in karo hilibyadaan dheeraad ah iyadoo laga fogaanayo qalliin waxaana la ogaaday arrimahaan soo socdo:

  • Maadada Silicone: Waa maaddo jilcsan sidii dhiiqada ama kareemka oo kale ah, taasoo nabarrada lagu dul dhajinayo iyadoo u samaysan qaab sharooto ah, waxaa la arkay in maadadaan ay soo yareenayso ama shuuqinayso xagtinta iyo haaraha nabraha, madawga nabrahane ay baab'inayso, laakiin waxaa u shardi ah in qofka uu muddo wado si isbadal fiican loo helo ama bilaabo adeegsigeeda markuu nabarka cusub yahay.
  • Dhiiqada steroid-ka: waa isla cirbaddii lagu duri jiray nabraha markii la qalo oo kareem ah, waxayna dhakhaatiirta maqaarka qaarkood ay hayaan iyadoo sharooto ahaan loogu dhajinayo nabarka, waxayna aad ugu fiican tahay caruurta iyo dadka necebka durriinka. qaabkaane isbadal fiican ayaa lagu dareemaa.
  • Qalabka Laser-ka: waa qaabka ugu fudud ee maanta dunida laga wada isticmaalo taasoo ah in Laser lagu jaro ama lagu gubo hilibka dheeraadka ah laakiin waxaa shardi u ah inuu sameeyo dhakhtar maqaar oo tababar u heysto adeegsida qalabka Laser-ka.
  • Ku daaweynta Shucaaca ama kiimikada: Waa qaab cusub oo maalmahaan adeegsigiisa dunida ku soo kordhayo, waa qaababka loogu daaweeyo burooyinka oo la arkay in lagu baab'in karo hilibka dheeraadka ah ee nabraha ku dul samaysmo, laakiin meelo khaas ah ayaa dunida laga isticmaalaa.

Ma laga hortagi karaa arintaan?
Hadduu qofku og yahay in nabarradiisu qaabkaan u raystaan, waa inuu iska ilaaliyaa dhaawacyada ka dhasho duleelinta jirka, midda kale waa in dhakhtarka ku qalayo uu og yahay in cilladaan aad qabtid si uu taxaddar u muujiyo markii nabarka la dhayayo oo xilliga raysmada ku jiro, waxaa laga yaabaa in la adeegsado dhiiqooyinka aan kor ku soo xusay marka uu nabarka uu raysanayo.

Haddii ay xagtin ku gaartay ama meel dhaawac fudud kaa gaaray adigoo guriga jooga ama faramshi xaafadda lagaa soo tolay waxaad kaga hortagi kartaa hilibkaan dheeraadka ah inuu samaysmo adigoo 4 ama 5 xabo oo kaniiniga "Asprin-ka" ah budo ka dhigo, kadibne biyo ku qaso, markay dhiiqo camala noqoto ayaad nabarka la tolay dul marinaysaa, waxaa la arkay markii saan la yeelo in daawada Asprin-ka uu ka hortago in nabarku uu hilib yeesho.

Talada SomaliDoc:
Haddii aad hilibkaan ku leedahay meelo aan muuqan, waxaan kugu la talin lahayn inaad sidiisa ku daysid maadaama uusan wax dhib ah kuu keenayn mustaqbal ahaan.

Laakiin haddii aad ku leedahay meelo la arkayo sida wajiga, faruurta, daanka, dhegaha, qoorta iyo gacmaah intaba waxaa haboon inaad la tashatid dhakhtar cudurrada maqaarka ku takhassusay si laguu siiyo daawooyinka la mariyo ama lagu dhajiyo, dhakhtarkane aad si joogto ah u la socotid.

Haddii aad ku nooshahay meel aad ka heli kartid dhakhtar heysto qalabka "laser-ka" ee lagu baab'in karo hilibkaan dheeraadka ah inaad isaga la xiriirtid.

Mar walba ha ku degdegin qalliimada lagu jarayo hilibyadaan dheeraadka ah sida aan kor ku soo xusnayba.

Haddii aad u baahan tahay la-talin khaas ah ama inaad dhakhtarka toos ugala hadashid xaaladaada caafimaad, fariin ugu dir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66733
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69902
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62721
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47261
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45552
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc